DAAWO-Madaxweyne Denni oo dhagax dhigay garoonka Garoowe boqolaal kunna ugu deeqa saddex garoon.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni ayaa galabta dhagax dhigay garoonka kubadda cagta Mira-awaare oo laga dhigi doono mid kamid ah garoomada adduunka ee caalamiga ah.

Siciid Denni ayaa dhagax dhigga ka sheegay in xukuumaddiisu ay boqolaal kun oo dollar ku bixin doonto dhismaha garoomada kubadda cagta ee magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Galkacyo kuwa kale ee Puntlandna ay ku xigi doonaan.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAAL

Madaxweyne Denni ayaa waxa uu dhalinyarada u balan qaaday fursad wanaagsan iyo inuu diyaariyey sanduuqa horumarinta dhalinyarada oo ka qayb qaadan doona horumarinta dhalinyarada Puntland guud ahaan.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*