DAAWO: Mooshinka Maxkamadda Sare & Kiiska Caasho Ilyaas maxaa ka dhaxeeya?

GAROOWE(P-TIMES) – Xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland ayaa gudbiyey mooshin ka dhan ah Guddiga Garsoorka ama Maxkamadda Sare ee Puntland, oo ay ku eedeyeen in aysan sifo sharci ah u marin arrimaha Garsoorka ee Puntland, waxaana hadda maxkamadda horyaala Kiiska gabar yar oo horey loogu dilay magaalada Gaalkacyo.

Sidda ka muuqata Mooshinka ayaa ku taariikheysan maanta oo ay bishu tahay July 20, 2019, waxaana wararku sheegayan in uu daaran yahay arrimaha Kiisaska ee Maxkamadda hadda horyaala.

Guddiga Maxkamadda Sare ayaa dhawaan qorshuhu yahay in ay u fariistaan arrimaha la xariira Kiiskii Caasho Ilyaas Aden, waxaana si weyn isha loogu ayaa arrimahan waxa kusoo beegay waqtigan.