DAAWO: Musharaxii DF Soomaaliya u wadatay Jubbaland oo ka haray Tartanka doorashada.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Salaad ayaa sheegay inuu ka baaqday safar lagu waday inuu todobaadkan ku tago Kismaayo, isagoo tilmaamay inuu uga baaqday sababo la xiriira inuu ka fogaado iska hor imaad ka dhaca magaalada

“Safarkii aan Kismaayo ku aadi lahaa anigaa ka baaqday anigoo ka fogaanaya in si un iska hor imaad u dhaco, Qof isku dayay inuu i soo qaado ma jiro. Inkastoo aan xaq u leeyahay in aan la is ilaalsho haddana kismaayo markaan tagayo ciidda ayaa i ilaalin ilaah ka sokow”ayuu yiri Mr Oomaar qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Maxamed C/llaahi Salaad ayaa ka mid ah ragga la hadal hayay ee ka mid ah Musharaxiinta ugu cad cad xilka Madaxweynaha Jubbaland, hase ahaatee waxaa soo baxayay warar sheegaya hadal heyn ah inay saameyneyso mid ka mid ah shuruudaha uu soo bandhigay Guddiga doorashooyinka Jubbaland.

Horey falanqeyn aan uga sameynay arrimaha Jubbaland, waxaan ku sheegnay Mr. Oomaar ay qabanayaan sharuudaha guddiga doorashooyinka, ayna sidaas oo kale gudaha dawladda Soomaaliya isku raacsaneyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*