DAAWO: Puntland iyo DF Soomaaliya oo ka dhex curtay is afgaran-waa cusub

GAROOWE(P-TIMES)- Maalmihii lasoo dhaafay waxaa marba qeyb soo baxaysay khilaafka cusub ee u dhaxeeya dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland, waxaana hadda uu gaaray halkii ugu sareysay oo ay dhinacyadu aad ugu kala fogaadeen.

Xukuumada Soomaaliya waxay bilowday in ay lacago toos u siiso dadweynaha qaarkood, gaar ahaana mashaariicda horumarineed ee kasocda gobaladaas, oo ay ku jiraan wadooyinka iyo dhismayaasha adeegyada danta guud.

Talaabadaas wey ka carootay Puntland, waxayna kicisay hurgumooyin horey u huursanaa oo ay ka mid ahaayeen arrimaha ku wajahan khilaafka labada dhinac.

HALKAN KA DAAWO FAAHFAAHINTA

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu amray in dib loo celiyo lacag ka timi dawladda Soomaaliya, taas oo ahayd qoondadii ay kaga qeybgalaysay dhismaha wadada laamiga ah ee dhexmarta gudaha magaaladaas.

Dhismaha wadadan iyo balan-qaadka lacageedba waa mid ka horeysay khilaafka, balse xaaladda ayaa sii kululaatay markii laxiray Odayaashii iyo guddigii gacanta ku hayay lacagtanba.

3 Comments

  1. Odayaaaha u ololeynaya burburinta iyo kala qaybinta puntland iyo teegeeridda dawlad ku sheegga qabyaaldda iyo aargoosiga reer,gaar ahaan burburinta puntland,waa in al xirxiraa waliba xabsi adag iyo ciqaab kulul la mariyaa iyaga iyo cid kasta oo la socota.
    duuflaalada dhallin yaro ku sheeggana waa i xabbad loogu jawaabaa.
    Sababtoo ah waxay taageereen nin u yimid fowdo iyo burburin maamul dhisan iyo iska horkeen dadka.

  2. Assalamau Caleykum Warraxmatullahi Wabarakaatuhu.
    Villa Soomalia iyo iyo reeraha dega Xamar Soomaalinimo iyo Islaamnimo midna marabaan,
    EE waxay meesha la fadhiyaan Xasad iyo Xiqdi taas oo macnaheedu yahay in ay la dagaalsanyihiin tasarrufka Ilaahay.taa ah ah maxaa deegaan fulaan u noolyihiin nabadna u haystaan,Maxaa Puntlan iyo Somaland nabad iyo nolol iyo kala dambeyni uga jirtaa,Xamarna fowdo u tahay.Maxaa Puntland iyo Somaliland ay ciidamadoodu Somali u
    yihiin,Xamarn ay ajaanib u yihiin,haddana dagaalada iyo qaraxyadu uga dhacayaan.
    Arrimahaas oo dhami waa xasad meelna laguma gaaro in waxa Ilaahay bixiyo oo uu addoomadiisa u qaybiyo laga xumaado loolana dagaalamo.

    • الحسد ياكل الحسنات كما ياكل النار الحطب waa sax xaasidnimo ma fiicna, Laakiin lacagtaan qaado ee Waddo aad horey u dhiseysey ku darso ma xaasidnimaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*