DAAWO: “Somaliland waxay noqotay Cadaabta Xaquuqul Aadanaha” Xisbiga Wadani ee Mucaaradka ah.

HARGEYSA(P-TIMES) – Somaliland ayaa sannadkan jabisay rikoorka xariga wariyayaasha iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Xisbiga Kulmiye ee talada haya, waxaana shalay oo kaliya ay Madaxtooyada Somaliland amartay in xabsiga loo taxaabo amar kamid ah wariyayaasha magaalada Hargeysa.

Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo ka hadlay arrimahan ayaa ku sifeeyey in ay Xisbiga Kulmiye ka dhigtay Somaliland Cadaabta Aadanaha, gaar ahaana xabsiga oo cid kasta la geynayo.

Afhayeenka Xisbigaas ayaa sheegay in ficilada caburinta ku dhisan ee Xukuumaddu ay hadda sameysay ay ka markhaati kacayaan in aysan Somaliland ku wadin wado wanaagsam.

Xisbigan ayaa sidaas oo kale sheegay in looga baahan yahay Madaxtooyadu in ay la timaado qorshe ay kusoo hagi karto dalka mudada u hartay, waxaana ay walaac ka muujiyeen hab dhaqanka Madaxweyne Biixi.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Somaliland xabsiga kasii daayay gudoomiyaha garabka dhalinyaradda ee Xisbiga Wadani, ka dib markii lagu eedeeyey kicin dadweyne.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*