DAAWO: Wararkii ugu dambeeyey ee Xaaladda Boosaaso & Ganacsato wali xiran.

BOOSAASO(P-TIMES) – Ammaanka magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland ayaa la adkeeyey ciidamo badan ayaa lasoo dhigay jidadka muhiimka ah ee magaalada, ka dib markii ay xalay hadal jeediyeen qaar kamid ah waxgaradka gobalka Barri oo ka xumaaday xarig loo geystay qaar kamid ah xubnaha guddiga dhismaha wadada laamiga ah ee magaalada Boosaaso.

Ciidamada ayaa sheeda ka eegaya xaaladaha magaalada, waxaana subaxnimadii hore cabsi laga qabay banaanbaxyo ay kiciyaan dhalinyaro ka careysan xariga odayaashan, balse wararka ayaa sheegaya in aysan arrimahaasi aheyn kuwa jira ilaa hadda.

HALKAN KA DAAWO

Odayaasha dhaqanka oo xalay hadlay ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Puntland SIciid Cabdullaahi Deni in uu wado caburin shacab, waxayna sheegeen in horumarka aysan cidna kala tasheyneyn.

Ciidamada Badda Puntland ayaa kusugan qeybo kamid ah magaalada, kuwaas oo la sheegay in ay amar ku qabaan in ay kala ceyriyaan cid kasta oo isku dayda banaanbaxyo in ay muujiyaan, sidaas oo kalena waxaa la baadi-goobayaa qaar kamid ah guddiga dhismaha wadada oo shalay hadlay.

Puntland ayaa ka carootay in lacag aan soo marin Wasaaradda Maaliyada ee xarunteeda Garoowe, ay toos ugu dhacdo Koontada guddiga dhismaha wadada laamiga ah ee Boosaaso, taas oo ay walaac ka muujisay Madaxtooyadu.

1 Comment

  1. BANAANBAX BAY BARATAY. MA TUUGO BAA LA TAAGEER KA WADAAN PUNTLAND AA OO LOO BANAANBAXAA. MISE FADQALADA FEDERAALKU DHEXDEENE KA HURINAYAAN BAAN TAAGEERNAA?? MAYA MAYA.
    GUDDIGA TUUGADA AH HALA SOO XIRO DHAMAANTOOD, KII TAAGEERANA HA LA JIRDILO.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*