DAAWO+FADEEXAD: Sannadkii Boobka Hantida Shacabka Puntland ee 2018?

GAROWE(P-TIMES)- Baarlamaanka Puntland, dhawaan waxay si toos ah u diideen meelmarinta Xisaabxirkii Miisaaniyada sannadka 2018-ka, markii la waayay Malaayiin Dollar oo laga soo aruuriyey Shacabka Puntland.

Xildhibaanadu waxay u yeereen Gudoomiyihii hore ee Hanti Dhawrka Puntland ee xiligaas xilka hayay Jaamac Maxamed Cismaan, si wax uga weydiiyaan ciladaha dhacay ee musuqmaasuqa horseeday, wuxuuna iska difaacay eedaha in uu isagu leeyahay.

HALKAN KA DAAWO XOGTA OO DHAMEYSTIRAN

Hanti Dhawruhu wuxuu sheegay in Miisaaniyaddii dawladda Puntland ee sannadka 2018-ka in uu ku dhacay FASAHAAD, oo ula jeeday in la lunsaday Malaayiin Dollar, wuxuuna si cad u sheegay in wax ka badan 40% Hantidii Shacabka aysan ka muuqan sifo wanaagsan in loo isticmaalay.

Su’aalo badan oo laga weydiiyey warqadda ogolaanshaha Xisaabxirkan oo uu ku lifaaqay horey, wuu iska difaacay balse waxaa soo baxday karti-xumida Hanti dhawrka Puntland ee arrimahan ku wajahan.

Sidda ka muuqata sannadkii 2018-kii wuxuu ahaa kii ugu dambeeyey ee mudada xil-heynta Xukuumaddii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaana si weyn uga muuqata in sidii la doono loo maamulay Hantidii Ummadda oo ay gacanta ku hayeen madaxda Maaliyaddu.

Mushaaraadka Shaqaalaha rayidka ah, ciidamada iyo adeegyada dawladda ayaan la bixin, waxaana Sannadkaas uu ahaa kii ugu xumaa ee soo mara Puntland, dhinaca kale dadka difaacaya ayaa ku doodaya in ay jiraan daruufo waa weyn oo ay dagaalo kamid yihiin.

 

 

9 Comments

  1. ASC.
    Waa run oo waagaas puntlaan dagaalo ba’an baa looga soo wada qaaday koonfur iyo waqooyi ama USC iyo SNM.Sida la sheego ama ay tahayba heshiiskooda (usc,snm) baa ahaa in puntlaanba meesha laga saaro oo ay soomaaliya noqoto waqooyi iyo koonfur kaliya.Waxaana la yiraahdaa waxaa qorshahaas aad u danayn jirey Xassan Shiikh.
    waana maquul arintaasu.Waayo marar ay wada hadleen USC iyo SNM waxay hargeeysa markastaba ku adkaysataa haddii ad rabtaan in aan ku soo noqono soomaaliya ahaato waqooyi iyo koonfur oo uu macnaheedu yahay yaysan jirin wax la yiraahdo puntlaan.Haddeed caqli meeh?Madaxdii USC ma ay oran wartaasi macquul ma aha oo waa kuwii marar badan dagaalo ku soo qaaday puntlaan ayna ku wada jabeen.Illaa Ilaahay (swt) dhagar iyo gardaro raali kama ahee.Waatuu Cabdiqeybdiid ku khudbeeyey (fad ama ha fadin waa lagu fadsiine).Taas oo uu ka waday khasab iyo san dulle baan ku qabsanaynaa ardiga puntlaan.Wuuse ku ceeboobay oo jab iyo jac baa ka wada raacay dagaaladuu soo qaaday.

  2. Meesha waxa ka jira kala damben la,aan , Xushmad darro. wixiila doono oo la iska sheegayo, waa cadaan in aan waxba ka jirin isla xisabtanka ay sameeyeen. waa dim ku qotoma qof nacayb, iyo wax bulshada kala qaybinaya. war Gaas wuu tegey, wax badana wuu qabtay, wixii cad lama inkiri karo, hadda waxa aad haysataan kii shalay aad doorateen, ee wali aan sanad gaarin, ma aqoon xumaa ina haysata, Dastuur la raacayo malaha, war afatrta dhibka wada iska saara, waxna hala hagaajiyo, arrintaan Gaasna Siyaasad iyo qof nacayb aan jirin ayaa ka dambeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*