DAAWO+XOG: Axmed Madoobe & AMISOM maxaa dhexmaray, Maxaase u dambeeyey?

KISMAAYO(P-TIMES)- Hardan oo siyaasadeed ayaa hadda u socda dawladda Faderaalka, Musharaxiinta ay wadato, AMISOM & Madaxweynaha talada haya ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (AXmed Madoobe), kaas oo ujeedkiisu tahay sidii ay qolo kasta ugu guuleysan lahayd arrimaha Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu shalay ciidamo daacad u ah ku wareejiyey ammaanka magaalada Kismaayo, gaar ahaana garoonka diyaaradaha oo ah meelaha ugu muhiimsan ee ay doonayso dawladda Soomaaliya.

Caqabadaha waa weyn ee ay hadda wajahayso doorashada Jubbaland, waxaa kamid ah in aysan wali isdiwaangalin musharaxiinta u taagan Madaxweyne-nimada, kuwooda mucaaradsan Axmed Maxamed Islaam.

HALKAN KA DAAWO FAAHFAAHINTA

Saraakiil AMISOM oo isku dayay in ay howlaha Jubbaland dhexgalaan, isla markaasna ay ciidamada Itoobiya ku cadaadiyaan in ay saameyn ku yeeshaan arrimahan faa’iido badan kama aysan dheefin, markii uu Axmed Madoobe diiday dalabka AMISOM.

Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuu xooga saarayaa in damaciisa doorashada Jubbaland uu noqdo meelmar, laakiin caqabado waa weyn ayuu wajahayaa oo aysan horey kooxda Nabad iyo Nolol qorshaha ugu darsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*