DAAWO+XOG: Maxaa loo boobay Hantida Shacabka Puntland sannadkii 2018-kii?

GAROOWE(P-TIMES)- Si weyn ayaa lays ku weydiinayaa talaabada ay baarlamaanka Puntland iyo Hanti Dhawrku ka qaataan Xisaabxirkii Miisaaniyada dawladda ee sannadkii 2018-kii oo ay dhawaan diideen, uuna ka muuqday in si fool-xun loo lunsaday Malaayiin Dollar oo ay lahaayeen Shacabka Puntland.

Xogtan oo soo shaac-baxday gaartayna dadweynaha waxaa walaac ugu badan laga muujinayaa in aan cidna waxba loo raacan, iyadoo la og yahay heerka ama Hanti dhawrkuba cadeeyeen in lacago badan lagu bixiyey amaro uun oo kaliya.

HALKAN KA DAAWO XASAASI

Sannadkii 2018-ka ayaa ahaa sannadkii u dambeeyey mudo xileedkii Xukuumaddii uu talada kala wareegay Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, waxaana la sheegayaa in uu ahaa sannad musuqmaasuqu xargaha goostay.

8 Comments

  1. ASC.
    Ilaahay (swt) baa ogsoon sida wax u jiraan.Laakiin maamuladii hore ee soo maray puntlaan ma jirin midaan la oran jirin waxbaa la musuq-masuqaa.Waxaase afka loo sii badin jirey maamulkii Ina faroole.Waayo waatan la yiraahdo wiilkiisa weeyn wasiiraduu dharbaaxi jirey.Waatan kaloo la yiraahdo wiilkaasu guryuu ka gatay Jig-Jiga iyo Dubay.Xaggee buu ka keenay lacagtaas?Reerku waxay laajiyiin ku ahaayeen wadanka Austaralia.Dhaqaalo muuqda oo ay puntlaan la yimaadeena lama sheegin.Waatii kaloo la lahaa Odaygu waxuu lacago badan dhigtay banki ku yaal Jabuuti oo markii dambe la soo yiri lacagihii waa laga dhacay.Runtana waxaa ogsoon Ilaahay (swt).
    Maamulkii Gaas (Jilicoow) musuq-maasuq wuu jirey laakiin war kama hayo intuu le’ekaa lahankiisu.
    Maamulkii Cadde Muuse haba ka hadlin oo waagaas puntlaan way baaba’day oo ay isku dhexdaadatay.Shaqaalihii iyo ciidamadii dawlada baa kala tagay markay wax mushaaro ah waayeen.
    Maamulka cusub waxaan ka sheegaaba waa male.Maluhuna waa dambi.
    Calaa kulli xaal musuq-maasuq waa soomaali meheradeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*