DAAWO: Mooshin deg deg ah oo la horgeeyey baarlamaanka Puntland.

GAROOWE(P-TIMES) – Xildhibaano katirsan baarlamaanka Puntland ayaa gudbiyey mooshin ka dhan ah Guddiga Garsoorka ama Maxkamadda Sare ee Puntland, oo ay ku eedeyeen in aysan sifo sharci ah u marin arrimaha Garsoorka ee Puntland.

Sidda ka muuqata Mooshinka ayaa ku taariikheysan maanta oo ay bishu tahay July 20, 2019, waxaana wararku sheegayan in uu daaran yahay arrimaha Kiisaska ee Maxkamadda hadda horyaala.

Guddiga Maxkamadda Sare ayaa dhawaan qorshuhu yahay in ay u fariistaan arrimaha la xariira Kiiskii Caasho Ilyaas Aden oo ahayd gabar yar oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo si bahalnimo ah.

2 Comments

Comments are closed.