DAAWO: Farmaajo oo telfoon u soo diray M/weynaha Puntland, kuna amray sii deynta..

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxtooyada Soomaaliya ayaa baahisay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, telfoon kula hadlay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo u sheegay walaaca ay dawladda dhexe ka qabto xariga loo geystay qaar kamid ah waxgaradka gobalka Barri.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey baa la yiri Madaxweynaha Puntland muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Xukuumadda dhexe iyo dawlad gobaleedyada, sidas awgeedna ay waajib tahay in la dhawro xaqa muwaadiniintu leeyihiin.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay si siman dalka u gaarsiinayso dhammaan mashaariicda horumarineed oo lagu jaangoynayo qorsheyaasha heer Qaran iyo heer Dowlad Goboleed ee horumarinta iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad uga xun tahay xubnaha ka tirsan Guddiga Dhismaha Waddada magaalada Boosaaso ee la xiray khamiistii, isagoona u sheegay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland in xubnahaas si shuruud la’aan ah xorriyaddooda dib loogu soo celiyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xoojiyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta mabaadii’da aasaasiga u ah dowladnimada iyo xoojinta nidaamka Federaalka ah oo ku dhisan wadatashi, wadajir iyo qarannimo dhammeystiran.

3 Comments

  1. Nimanka la xiray sidee DFS u siisay lacagta? Runtii nimankaan ma lahaa Shirkad wadooyinka dhista oo ka diiwaan gashan Puntland, ma aha niman u shaqeeya Puntland Highway Authority (PHA). Kama tirsana Dowlada Gobolka Bari. Kama tirsana DOWLADA Puntland? Sidee lacagta lagu siiyey? Sidee wado u dhisayaan? Runtii xariga waa in loo dheereeyaa. Kheyrlaawe & Farmaajo fidno cusub ayey soo xawileen.

Comments are closed.