DAAWO: Puntland oo si adag uga jawaabtay Warkii Farmaajo, Xeer Ilaaliyaha oo ku dhawaaqay

GAROOWE(P-TIMES)- Dawladda Puntland ayaa si adag uga jawaabtay warar ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu eedeeyey Puntland in ay xirxirtay muwaadiniin Soomaaliyeed oo ka shaqeynayay arrimaha horumarinta bulshada, waxaana muuqatay in ay siyaasadeysay dawladda Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO JAWAAB DEG DEG AH

Xeer Ilaaliyaha guud ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Cismaan ayaa sharaxaad ka bixiyey dadka la xiray oo uu sheegay in ay dambiyo galeen oo ay ku qabteen sifo sharci ah laamaha Ammaanka.

Xeer Ilaaliyuhu wuxuu sheegay in qof kasta oo eedaysane ah xaq loogu leeyahay in loo qabto sifo sharci ah, ayna horkeenayaan maxkamadaha dalka ee Garsoorka.

Maxamuud Xassan Cismaan ayaa sheegay in aan Madaxweynaha Puntland amar ku bixin in lasoo xiro dadka ku xiran Xabsiyada Garoowe & Boosaaso, balse ay soo qabteen laamaha ku shaqada leh, maadaama ay ku xadgudbeen sharuucda u degan Puntland.