Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay guddi qaabilsan wada hadaladda Somaliland iyo Dowladda Faderaalka

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto ku magacaabay Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Xubnaha guddiga uu Madaxweyne Farmaajo Magacaabay ayaa kala ah sidaan;

1-Xil. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, Guddoomiyaha guddiga.

2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) Guddoomiye kuxigeen.

3-Dr. Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi (Baadiyow)

4- Dr Cali Siciid Fiqi

5-S/G: Axmed Jaamac Muuse

6-Xil. Cali Axmed Jaamac (Jangeli.

Warka ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gudigaan uu ka shaqayn doono dib wada hadalka iyo dib u heshiisiinta Maamulka Somaliland iyo Dowladda Faderaalka Soomaaliya, waxa uuna ku shaqayn doonaa Dastuurka dalka u yaal.

7 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*