Somaliland oo ka carootay tallaabo ay qaaday Puntland

Qaar ka mid ah saraakiisha Ciidamada Soomaaliland ayaa markii ugu horeysay waxaa ay ka hadleen Puntland oo Koontorool Ciidamadooda ku lahaayeen qeybta laga soo galo Magalada Garoowe u wareejiyay dhinaca Gobolka Sool, iyaga oo digniin u diray Maamulka Puntland.

Waarbaahinta ayay la hadleen qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland,waxaana ay sheegeen in Puntland ay kusoo xadgudubtay dhul ay leedahay Soomaaliland gaar ahaan Aaga deegaanka Bixin oo Ciidamada Puntland ay Bar koontorool Cusub soo dhigteen.

Waxaa ay Puntland u qabteen in mudo Saddex Cisho gudahood ay ay ciidamadooda uga saaraan deegaanka Bixin iyo deegaanada kale, iyaga oo ugu hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan hadii aysan Puntland fulin weyso codsigooda.

Hadalkaan kasoo yeeray Saraakiisha Ciidamada Soomaaliland ee Gobolka Sool ayaa imaaneysa xilli weli xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Soomaaliland ay weli ka taagan tahay deegaano ka tirsan Bariga Gobolka Sool oo horay ay ugu wada  dagaalamay.

7 Comments

  1. hello waxa u shegayh nimanka lagacta la so siyey muuse bixi qarka ka durayo dadkan u idin kudir reer khaatumo hada aqli lahan lahadan muuse bixi jeeganta ma daba ordi lahadan hada aqli qabi lahadan reer khaatumo waxa idin shegayh nin reerkina cidan dhamayey miya racasin shacabka reer khaatumo tariikhda dib u bar wa argdan sidu reerkina ubabi iyey gabolka sool lascaanto odeyashin ayeeyoyikin xaaskina caruurtina gabdhihina wiilashina shacabka reer khaatumo muuse bixi jeeganto wado miya daba ordeysin walhi xabad aqli ma qabdin magrty reer khaatumo ku deyda walahin reer sanaag shacabka reer khaatumo qoryahin so qada cadowga muuse bixi jeeganto wado qamris tiyasho rufyashan hal mel an ugu so jesano wa guuleysan cadowga dhulkan kusoduley wa ka carinh bye reer khaatumo qeyr ba idin dhafah melkasta ad jogdin dhulkan aya difacanh sas aya isku ognahy shacabka reer khaatumo bye jawb deg deg

  2. ASC.
    Puntlaan ma ay tagin dhulka Isaaq umana socoto.Soolna waa ardi ka mida kan reer puntlaan.Wali lama hayo meel ay puntlaan ku sheegatay hal taako oo ka mida dhulka Isaaq.Isaaqna waa gaf iyo gardaro in ay sheegtaan dhul aysan u dhalan.Taasoo kalaana keenta in la isku dhaco oo ay dad bilaash ugu dhintaan.Puntlaan waxay u socotaa in ay soo taabato xuduuda Beelaha Harti.Insha Allaah mana dhaafi doonto.

  3. Maalin uu ka liito malaha, musa shaani, cida aad ka hadleysaa kuu dagaalamimayaan, waa dad Oromo sixi looga soo sameeyey, Gumeysi jecel iyo in farta loogu yeero, kuwaa inaka daaya. dagaal haloo diyaargaroobo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*