XOG+DAAWO: Maxaa ka soo baxay Kulan deg deg ah oo ay Beesha Caalamku la yeelatay M/weyne Farmaajo?

MUQDISHO(P-TIMES) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wadajir u qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya  James Swan iyo Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender, kulanka oo intii uu socday looga wada hadlay xaaladdaha siyaasadeed ee dalka, ammaanka, doorashada 2021-ka, kala irdhowga siyaasadeed ee muuqda iyo dalabka Beesha Caalamka.

UK & QM waxay labaduba saameyn muuqata ku leeyihiin arrimaha gudaha ee Soomaaliya, waxayna dawladda Faderaalka hadda cadaadis ku sarayaan arrimaha doorashooyinka ay dhulka dhigto oo ay dhinacyada kala hadasho.

Kulanka caawa oo ahaa mid xasaasi ah ayaa lagu soo qaaday siyaasadda rasmiga ah ee dalka lagu hagayo iyo sida aysan ugu qanacsaneyn dhinacyada Siyaasadda la wadaago dawladda Faderaalka.

Qaramada Midowbay waxay tabisay qorshayaasha Hortabinta leh oo ay kamid yihiin in la helo hanaan doorasho oo ay dhinacyada oo dhan isku raacsan yihiin, waxaana Ergayga gaarka ah ee QM aad uga hadlay wixii uu kula soo kulmay dawlad gobaleedyada.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Wakiilka iyo Danjiraha muhiimadda ay u leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya in lagu gacan siiyo dhammeystirka qorshaha deyn cafinta Soomaaliya, u diyaar garowga doorashooyinka 2021-ka iyo baahinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.