XOG+DAAWO: DF Soomaaliya oo weerar culus kusoo qaaday jiritaanka Puntland.

MUQDISHO(P-TIMES) – Madaxda ugu sareysa dawladda Faderaalka Soomaaliya, gaar ahaana Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaarihiisa ayaa go`aansaday in ay xiligan duulaan culus ku qaadaan Puntland, iyagoo u adeegsanaya dhaqaalihii ay beesha Caalamku ugu talo-gashay dawladnimada Soomaaliya iyo horumarinta.

Madaxweynaha ayaa shalay soo saaray warsaxaafadeed halis badan ka muuqatay oo lagu doonayay in lays kaga hor-keeno dawladda iyo shacabka Puntland, kaas oo qeyb kamid ah bulshada loogu muujinayo kalsooni iyo beer-laxawsi.

Puntland ayaa 21 sanno jirsanaysa todobaadka soo socda, waxaana talaabada ay qaaday dawladda Soomaaliya u muuqataa mid aan sahleyn oo ay ku doonayso in ay dalka oo dhan dib ugu celiso marxalado horey looga soo gudbay.

HALKAN KA DAAWO FALANQEYN XASAASI AH.

Shaki ma saarna in ay Madaxda dawladda Soomaaliya u fakarayaan qaab fikir ay ku doonayaan in ay markale kusoo laabtaan hoggaaminta Soomaaliya doorashada 2021-ka, si taasi ugu suuragashana ay u burburiyaan dhammaan dawlad gobaleedyada diida kara damacooda.