DAAWO: Gabar diiday in ay gacanteeda ku salaanto M/weynaha Somaliland, Maxaase dhacay?

HARGEYSA(P-TIMES) – Sagal Maxamed Adam waa gabar dhalinyarro ah oo ka qalin-bedelatay mid kamid ah Jaamacaddaha kuyaala magaalada Hargeysa, waxaana ay ku dhaqaaqday talaabo aad laysku weydiinayo, markii ay diiday in ay salaanto xiligii Shahaado gudoomida Salaan u soo taagay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Muuqaalka Sagal ayaa aad loogu wadaagay baraha bulshada, waxaana daawatay oo ka falcelisay dad badan, oo muujinaya arrimo kala duwan ama siyaabo kala jaad ah uga hadlay.

Madaxweynaha Somaliland ayaa gabar diiday in ay ka qaado Salaan u soo taagay, Maxaase dhacay?

Madaxweynaha Somaliland ayaa gabar diiday in ay ka qaado Salaan u soo taagay, Maxaase dhacay?

Posted by Farah Abdulkadir Geylan on Saturday, August 31, 2019

Sagal, inkastoo aysan wali hadlin, haddana muuqaalkeeda ayaa la arkayay iyadoo toos u daba-maraysa gacanta Madaxweyne Biixi oo mudo kusii hayay in ay salaanto.

Ka hor inta aan la gaarin in loo yeero Sagal Maxamed Adem, gabadhaha kahoreeya ee qaadanaya ama gudoomaya Shahaadooda Jaamacadda Hargeysa, waxay salaamayaan Madaxweynaha Somaliland oo ay muujinayaan in ay ku qanacsan yihiin, laakiin taasi wey iska diiday Sagal.

Qaar kamid ah dadka ka muuqda muuqaalka ayaa qaarkood ay ka muuqataa in ay ka xumaadeen talaabada ama ficilka Sagal Maxamed Adam, balse waa mid kamid ah arrimaha Diinta ee ay dad badan ka hadlaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*