DAAWO: Maxay kusoo dhamaadeen kulamadii Siyaasadeed ee kasocday magaalada Kismaayo?

KISMAAYO(P-TIMES) – Wakiilo kasocda Beesha Caalamka ayaa gaaray subaxnimadii hore ee maanta magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kulan gaar ah kula yeesheen dhinacyada kala duwan ee ay kala dhaxeeyaan arrimaha ay u tageen oo ahaa doorashooyinka Jubbaland, waxaana dood dheer ay la yeeshen dhinacyo kala duwan.

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan oo wafdiga hogaaminayay ayaa kulan saacado dheer qaatay la yeeshay Madaxda Jubbaland, waxayna ka wada hadleen arrimaha doorashada, iyadoo uu dalabka beesha Caalamku ahaa labo qodob in ay ka doonayaan Jubbaland.

Labada qodob ayaa kala ahaa in ay Jubbaland aqbasho in mudo dheeraad ah lagu darro diwaangalinta Madaxweyne-nimada tartanka iyo in sharuudaha musharaxiinta wax laga bedelo, waxaana labadaas qodob ay ka duwaanayaan kuwii shalay ay Kismaayo latageen wafdiga Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO WARKII U DAMBEEYEY

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u sheegay wakiilada caalamiga ah in labada qodob-ba ay u taalo guddiga Doorashooyinka madaxa banaan, ee aysan aheyn shaqo u taala Xukuumadda Jubbaland, sidaas awgeedna ay guddiga wada xaajood la yeeshaan.

Guddiga Doorashooyinka ayaa is arag gaar ah la yeeshay wakiilada caalamiga ah, waxayna ka wada hadleen arrimaha labada qodob mana jiraan ilaa hadda wax jawaab ah oo kasoo baxday, iyadoo ay wararku shegayaan in ay guddiga ku jiraan wadatashi gaar ah oo ay laleeyihiin madaxda Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*