DAAWO: Nin Ajnabi ah oo lagu dilay Boosaaso & Warar aan ka helnay.

BOOSAASO(P-TIMES)- Taliska ciidamada Amniga Puntland ee gobalka Barri ayaa daaha ka rogay in ay gacanta ku dhigeen ruux ka dambeeyey dil loo geystay mid kamid ah Ajaaniibta ka shaqeynayay shirkad Kalluun oo ku taala magaalada Boosaaso.

Taliyaha qeybta booliska ee gobalka Barri ayaa sheegay in ay ciidamadu gacanta ku hayaan qofkii dilkaas fuliyey, waxaana uu sheegay in uu jiray muran dhexmaray labada dhinac.

Dhimashada ninkan u dhashay dalka Kenya ayaa ku soo beegantay xili subaxnimadii hore ee saaka qarax ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo lala beesaday ciidamada amniga.

HALKAN KA DAAWO QARAXAAS

Saraakiisha Amniga ayaa sheegay in uu sugan yahay amniga magaalada Boosaaso, balse dadka ayaa mar kasta walaac ka qaba ficilada ammaan darro iyo qaraxyada oo uu qaraxii saaka ahaa kii labaad oo dhaca bil gudaheed.

Xukuumadda Puntland, waxay balan qaaday in ay xoojinayso ammaanka Boosaaso, balse caqabado waa weyn ayay wajahaysaa Xukuumadda oo kusaleysan xagga ammaanka oo aan wali xal rasmi ah laga gaarin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*