DAAWO: Somaliland oo ka hadashay Dhismaha Puntland ka wado Bixin & Wow ee duleedka Garoowe iyo Arrimaha wada hadalka.

HARGEYSA(P-TIMES) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay arrimaha ku saabsan dhismayaal ay Puntland ka dhiseyso deegaanka Bixin ee duleedka magaalada Garoowe, kaas oo ay ka dhasheen muran u dhaxeeya dadka deegaanada Nugaal iyo Sool oo ku saleysan halkaas deegaanka ay katirsan tahay.

Wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore oo kasoo jeeda gobalka Sool, ayaa sheegay in ficilada dhismayaasha looga dhisayaa Bixin iyo Waaw ay yihiin kuwa ay gadaal ka riixayso siyaasadda ugu yeeray in ay dhul-baarsi tahay.

Mr, Koore oo lahadlayay warbaahinta gudaha ee magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay Puntland doonayso dhul ay fidsato, balse marnaba aysan dooneyn in ay dawladnimo gaarsiiso deegaanada gobalka Sool ee ay gacanta ku hayso.

Wasiirka Horumarinta Biyaha ayaa u muuqday mid gadaya siyaasadda Xukuumadda uu katirsan yahay, isagoo sheegay in deegaanadaas ay yihiin kuwa ay leedahay beeshiisa Dhulbahante, ayna tahay in haddii wax laga qabanayo ay qabtaan xubnaha Sool, kasoo jeeda ee katirsan maamulka Puntland oo si adag u aflagaadeeyey.

Koore ayaa docda kale ka hadlay arrimaha ku saabsan wada hadalada nabdeed ee uu ku baaqay Madaxweynaha Puntland todobaadkan, wuxuuna sheegay in warkaasi yahay mid aan dhinaca Somaliland waxba looga arkin.

Isagoo ku sifeeyey in waxyaabaha ku saabsan Xaduudaha iyo madax banaanida maamulka Somaliland ay kala hadlayaan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, oo aysan ku xadgubeyn dawladnimada Soomaalida, maadaama Puntland uu ku sifeeyey maamul gobaleed laga xukumo Muqdisho.

1 Comment

  1. Hello anigo Ahmed mooye leydhaho waxa ushegayah ina karo bari muuse handarab u ka dagayh Xage adah mise muuse handarab iyo jeeganto wado miya lugah qabsanh anigo Ahmed mooye leydhaho waxa ushegayah qamristah ina karo hada dhibada cinda gal wa ina kore inta kabaxdey odeyal miskin yala oo xaba ogan aya lagac isi maleyashan iso xabi ba diri anigo Ahmed mooye leydhaho nin dhulbahante ba ahay reer buuhole darawashta ban ahay reer khaatumo wa aqan reer majeertan wa aqan wa dad wallo isla dago oo isdhaley iyo wiil abtikis waya oo is jecal waya anigo Ahmed mooye leydhaho waxa ushegayah ina karo inta inta kabaxdey oo edayal miskin yala oo lagac so sisey oo dir dagalka ba galayh maleshiyan ha ley siyo markas ayey kusiyan ina karo waxa dhibada rixayo wa adi hadu dagalka kadhaco wa ina karo anigo Ahmed mooye leydhaho waxa ushegayah shacabka reer khaatumo iyo isimada ssc aqlika hashaqo ninka dhibada wado wa ina karo waya ha leys ka qabdo anigo Ahmed mooye leydhaho waxa ushegayah isimada ssc Iyo reer khaatumo mel kasta ad jogdin dowlada lashaqaya wa dowlada qangarin oo jirdo 18mths wa fahantan anigo Ahmed mooye leydhaho waxa ushegayah isimada ssc iyo shacabka reer khaatumo meshi gacamaha is qabsani lahan oo cadowga muuse handarab iyo jeeganto wado mel ugu sojesani lahan miya hal nin miya niga aqli badiyo idingo reer khaatumo oo sharaf laha sharafta iyo gamirada ha iska qadin dad an jecashahy ba tihin anigo Ahmed mooye leydhaho waxa ushegayah ina karo bari muuse handarab Iyo jeeganto wado wey ka dagayn Xage ada wa suaal ya u imana wallaha puntalnd oo kujecal waxa kasta ka haleysid magrty ina karo muuse handarab meshu ku gayey Horta firi ina karo waxa ku cad dhalada cabidanka qamriga tas aya ku cad magrty anigo Ahmed mooye leydhaho waxa ushegayah shacabka isimada reer khaatumo gacmah an isqabson cadowga muuse handarab iyo jeeganto wado iyo kuwa lagacta siyo qamriga ugado oo Number kow kayahy ina karo mel an ugu sojesano reer reer puntalnd hal cadow ba ley nahy wa muuse handarab iyo jeeganto wado iyo kuwa lagac siyo kuwa qamriga ugado kuwas aya cadowgana ah anigo Ahmed mooye leydhaho reer khaatumo dhamantina qeyr iyo cafimad reer khaatumo iska qabta ina karo dhibado bu wada hadu meshas dagal ka dhaco wa ina karo anigo Ahmed mooye leydhaho sidas nabadey reer khaatumo bye

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*