DAAWO: Wararkii ugu dambeeyey doorashada Kismaayo & Guddoonka oo tartan adag ka dhici doono.

KISMAAYO(P-TIMES) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in uu caawa tartan adag kasoccdo magaalada, kaas oo ku wajahan doorashada berrito dhici doonta, taas oo lagu dooranayo guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland ee afarta sanno ee nagu soo wajahan.

Doorashada ayaa ah mid xiiso leh, waxaana berrito tartamaya labo musharax oo saameyn kudhex leh mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland ee dhawaan la doortay.

Arrimaha kale ee taagan waxaa kamid ah in labo doorasho ay dhacayaan oo ku wajahan guddoonka baarlamaanka, waxaana garabka mucaaradka ay dooran doonaan gudoomiye baarlamaan oo cusub.

Ammaanka ayaa la adkeeyey waxaana goor horeba la xiray jidadka xarunta doorashada, iyadoo lafilayo in ay warbaahintu si toos ah u tabin doonto doorashada Afhayeenka baarlamaanka Jubbaland.

HALKAN KA DAAWO 

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ragga u tartamaya guddoonka baarlamaanka ay ku jiraan xubno iska soo horjeeda, kuwaas oo ay saameyn ku leedahay dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*