DAAWO: Wararkii ugu dambeeyey ee Jubbaland, Amniga oo la adkeeyey, Goobo la xiray & Musharaxin welwelsan.

MUQDISHO(P-TIMES) – Amarkii ka soo baxay guddiga Nabadgalyadda ee Jubbaland ayaa kadhaqan-galay magaalada Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland, waxaana la adkeeyey ammaanka oo dhan, iyadoo ciidamo badan lasoo dhigay jidadka muhiimka ah ee magaalada.

Sidaas oo kale xogihii u dambeeyey ayaa sheegaya in wixii ka dambeeya salad maqrib, ka dib bandow lagu soo rogi doono magaalada Kismaayo, lana galiyey xaalad deg deg ah, iyadoo aysan jiri doonin cid sameysa wax dhaqdhaqaaq ah.

Saraakiisha ciidamada ee kusugan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in amaradan cusub ay ka dambeeyeen si loo xaqiijiyo ammaanka, sidaas oo kale waxaa la xiray maanta in ay diyaaradaha rayidku ka dagaan magaalada Kismaayo.

HALKAN KA DAAWO WARARKII U DAMBEEYEY

Doorashada Madaxweyne-nimada Jubbaland ayaa dhacaysa berrito, sidda jadwalku yahay, waxaana caawa jira tartan adag oo dhexmaraya musharaxiinta qaarkood, waxaana loolamaya xubno musharaxiin ah oo u sharaxan xilkan.

Ciidamada Jubbaland oo fulinaya amarka guddiga Amniga ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in aysan ciidana sameyn karin dhaqdhaqaaq ciidan, gaar ahaana maalmaha doorashooyinka, ayna waajib tahay in Dastuurka Jubbaland la ixtiraamo.

Guddiga Amniga ee Jubbaland waxay xalay soo saareen in gabi ahaanba aan sadex maalmood cidna sameyn karin wax dhaqdhaqaaq ciidan ah, sidaas oo kalena sugida Amniga ay gacanta ku heynayaan Booliska Jubbaland iyo kan AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*