DAAWO: Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI oo ka baxay Heshiiskii ay lagaleen Xukuumadda Somaliland.

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka baxay heshiis saddexda Xisbi siyaasadeed ee Somaliland ka gaadheen in lagu soo afjaro Khilaafka dib u dhaca doorashooyinkaasi, heshiiskaasi oo dhigayey in laba Xubnood oo cusub lagu soo daro guddiga doorashooyinka.

Ka bixitaanka heshiiska ee Waddani ayaa kusoo aadayaa xilli shalay La-taliyaha sharciga ee golaha wakiilladu uu sharci-darro ku tilmaamay isla-markaana uu laalay mooshin qayb ka ahaa heshiiska xisbiyada, kaasi oo laba xubnood oo cusub loogu dari lahaa komiishanka.

HALKAN KA DAAWO

Hoggaamiyaha xisbiga Waddabi, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta warbaahinta Hargeysa kula hadlayey ayaa Xisbiga talada haya ee Kulmiye ku eedeeyey in ay iyagu jabiyeen heshiiskaas“Maaddaama Kulmiye ay buriyeen oo ay ka hor-yimaaddeen qodobbadii heshiiska annagana mowqifkayagu waa inaanu ka baxnay, Waddani ahaana heshiiskaasi nama qabto, laga bilaabo Maanta heshiiskaas uma xidhnin”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*