Kenya oo ka guuleystay Jabuuti, heshayna Xubinta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbay.

NAIROBI(P-TIMES) – Dawladda Kenya ayaa ka guuleysatay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxayna si toos ah hadda Kenya u heshay Xubinimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midowbay.

Talaabada ay guushu ku raacday dalka Kenya waxay heshay 37 cod ama dalal oo codka siiyey, halka ay Jabuuti heshay 13 cod oo kaliya, taas oo ka dhigan in laga guuleystay Kenya.

Kenya ayaa taageerada Midowga Afrika heshay kadib wareeggi labaad ee codeynta Guddiga Xubnaha Joogtada ah ee Midowga Afrika, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

Kursiga ay Kenya dooneyso inay ku fariisato oo ah mid ka mid ah 10-ka dal ee aan xubnaha joogtada ka ahayn Golaha Ammaanka, ayaa billaabanaya bisha Janaayo ee 2021, wuxuuna ku egyahay December 2021, muddo hal sano ah.

Kenya ayaa hadda u baahan inay ku guuleysato saddex meelood laba meel codadka dalalka xubnaha ka ah QM, marka codeynta ay dhacdo bisha June ee 2020. Si kastaba ha ahaatee, taageerada Midowga Afrika ee ah in Kenya noqoto dalka u sharaxan qaaradda Afrika ayaa xaqiijinaya in Kenya kurisgan hesho.

Dalalka Midowga afrika oo gaaraya 54 dal, ayaa waxay yihiin 28% dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*