DEG DEG: Taliye Itoobiyaan ah oo gaaray Kismaayo, Axmed Madoobe kulan u socdo & Kala shakiga oo kordhay

KISMAAYO(P-TIMES) – Taliyaha guud ee ciidamada AMISOM ee kusugan Soomaaliya oo u dhashay dalka Itoobiya laguna magacaabo Lt. Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn  ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubbaland, halkaas oo ay shalay ka dhacday xiisad u dhaxeysa ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya iyo Jubbaland oo isku dhinac ah.

Taliyaha AMISOM ayaa kulan gaar ah la yeelan doona talisyada labada ciidan oo ay kaga wada hadli doonaan sidii isfaham looga gaari alhaa arrimaha taagan, waxaana xiisaddan ay muujinaysaa mid aan heerkeedu fiicneyn.

Kenya ayaa talaabada ay wado Itoobiya u aragto mid ka baxsan howlaha u yaala howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, gaar ahaana faragalinta Doorashada oo ay sheegtay in aysan sharciyad aheyn.

Sidaas oo kale Madaxweynaha Jubbaland ayuu la yeelanayaa goor dhaw kulan ay uga wada hadlayaan xaaladda Amaanka, waxaana jira kala shakiga labada dhinac.

Isku-dey ay ciidammada Itoobiya ku doonayeen inay gudaha u galaan garoonka diyaaradaha Kismaayo ayaa sidoo kale waxaa hor istaagay ciidammada Kenya ee qaybta ka ah Amisom.

XOG DEG DEG AH+DAAWO: 200 Askari oo katirsan Kumaandooska Itoobiya oo ka dagay Baydhabo, kuna wajahan Jubbaland.

Arrimahan oo dhan ayaa ku soo aaddaya xilli ay Kismaayo diyaar garow doorasho, wallow hannaanka ay ku socoto doorashadda ay diiddan tahay dowladda Federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*