DEG DEG+DAAWO: Ciidamada NISA ee Jubbaland oo fashiliyey weeraro Qaraxyo ah.

KISMAAYO(P-TIMES) – Howlgalo gaar ah oo ay sameeyeen ciidamada Amniga ee Jubbaland, gaar ahaana kuwa NISa ee sirdoonka noocooda hubeysan ayaa ku guuleystay in ay fashiliyeen miino lagu aasay bartamaha wadada ay isticmaalaan ciidamada Jubbaland, ka dib markii dabagal lagu sameeyey xog la helay.

Ciidamada ayaa sheegay in ay fashiliyeen qaraxan oo ahaa mid loogu talo-galay in waxyeelo weyn loogu geystay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada Amniga ee Jubbaland.

Miinadan ayay Shabaab galiyeen inta u dhaxaysa Bangeeni iyo Koban ee duleedka magaalada Kismaayo, iyadoo yoolku ahaa in ay la beegsadeen ciidamada Ammaanka ee wadadaas isticmaalaya inta badan.

HALKAN KA DAAWO WARARKA JUBBALAND

Ma jirto faahfaahin ay bixiyeen laamaha Ammaanka, balse arrimahan waxay ku soo beegmayaan xili ay socdaan xiisado siyaasadeed oo halistooda leh, cabsina laga qabo in maalmaha doorashada ay wax ka dhacaan magaalada Kismaayo.

Al- Shabaab ayaa kordhiyey mudooyinkii u dambeeyey markii ay dhaceen qaraxyo lagu weeraray mid kamid ah hotel kuyaala bartamaha magaalada, kaas oo galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*