DEG DEG+DAAWO: Guddoonka Aqalka Sare ee Soomaaliya Oo hambalyo u diray Baarlamaanka Jubbaland.

MUQDISHO(P-TIMES) – Senator Iftiin Xassan Baasto oo kamid ah Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ka sheegay madasha dhaarinta xubnaha baarlamaanka Jubbaland in uu guddoonka sare ee Soomaaliya Hambalyo iyo bogaadin u soo dirayo baarlamaanka Jubbaland.

Senator Baasto oo kamid ah xubnaha laga soo doortay Jubbaland kal hore ayaa sheegay in guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ah gudoomiyaha Aqalka Sare uu Hambalyo u dirayo mudanayaasha baarlamaanka Jubbaland.

Sidaas oo kale mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Aqalka Hoose oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey dhismaha baarlamaanka Jubbaland.

Xildhibaanada labada Aqal ayaa sheegay in talaabada ay qaaday Jubbaland ay tahay mid guul u ah midnimada, wadajirka iyo danta ummadda Soomaaliyeed.

HALKAN KA DAAWO

In ka badan 20 mudane oo katirsan labada golle ee dawladda Soomaaliya oo laga soo doortay Jubbaland, kuna sugan magaalada Kismaayo ayaa ka qeybgalay munaasabada dhaarinta xubnaha cusub ee baarlamaanka Jubbaland.

Sidda muuqata dawladda ayaa dhexdeedu ku kala qeybsanaan doonta arrimahan, waxaana Xukuumadda iyo Madaxtooyada laftirkooda ay wararku sheegayaan in aysan isku si`i ugu heyn welwel arrimaha ka socda Jubbaland.

1 Comment

  1. Aniga Sida Aay ilatahay Madaxweyne Farmajo & R/khayre kaligod uma taliyan wadanka somaliya,waxay tasi kutuseysa Dorashada Barlaman ee ka dhacday,mamulka jubaland & Sida lotageray,haday Ahan lahayd Xildhibanada 2 Gole ee fadaralka mamulada Qarkod *& Asaxabta siyasada ee somalida,waxad kale oo arkeysa sida Besha Calanka oo ah kuwa somaliya Cawiya,ama sida uu Qabo Qaybo kamid ah Dasturka jubaland & Qodobo kamid ah kan fadaralka oo Qexaya ismamul hoosadka mamulgobaledyada somalida,sidas Darted Madaxweynaha somaliya & Raiila wasarihisa in san ku xukumi karin ummada somaliyed wax aan sharci ahan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*