SAWIRRO: Dagaal dhexmaray Puntland iyo Somaliland, Khasaare kadhashay.

BARAN(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Hadaaftimo ee gobalka Sanaag ayaa sheegaya in ay dagaalo kadhaceen halkaas kuwaas oo dhexmaray ciidamo ka kala socda Puntland iyo Somaliland.

Wararka ay helayso PuntlandTimes ayaa sheegaya in dhimashada ilaa 4 qof ay jirto, waxaana dagaalkan uu ka dambeeyey markii ay ciidamada Puntland weerar kuqaadeen, gaadiid uu la socday gudoomiyaha gobalka Sanaag ee Somaliland.

Xariiro aan la sameubay dhinacyadu wey kagaabsadeen arrimahan, balse xogihii u dambeeyry ayaa sheegaya in wali la maqlayo rasaas goos-goos ah.

Iska horimaadka Hadaaftimo wuxuu kusoo beegmayaa, xili ay labada maamul xog sheegayso in ay wada hadal isku diyaarinayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*