DAAWO+XOG: Ma dhab-baa In Diyaarad hub siday ay ka dagtay Magaalada Qardho, Yaase loo waday Hubkaas?

QARDHO(P-TIMES) – Warar kooban oo ay heshay Shabakada Puntlandtimes.com waxay ku ogaatay in duulimaad diyaaradeed oo ka soo kicitay dalalka Khaliijka, gaar ahaana saldhig ciidamada Imaaraatku ay leeyihiin oo kuyaala dalkaas uu soo gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar Puntland Soomaaliya.

Duulimaadkan oo aan xog horey looga heynin dhinaca Puntland ayaa lagu war-helay diyaaradda oo hawada soo gashay, ka dibna soo caga-dhigatay garoon yar oo kuyaala magaalada Qardho, waxaana la xaqiijiyey in muran uu ka dhashay imaanshaheeda Qardho.

Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in ay diyaaraddan waday Agabyo ciidan oo ay ku jiraan rasaas noocyo kala duwan leh, gaar ahaana Boobayaasha fudud,kuwa culus, direyska ciidamada iyo hub kooban oo kale.

HALKAAN KA DAAWO XOGTII U DAMBEYSAY HUBKAAS

Puntland, ayaa ka carootay talaabada hubkan uu kusoo gaaray, iyadoo aan horey xog badan looga haynin, gaar ahaana warar hoose ayaa sheegaya in ay ogaayeen oo kaliya dad kooban oo ah dhinacyadii u u socday.

Dabagal ay ku sameysay arrimaha Puntlandtimes oo ay wali wado, waxaanan ogaanin halka loo waday hubkan, cidda lahayd iyo ujeedada Imaaraatka Carabta ay u keenen magaalada Qardho, waxaana horey u jiray safar qarsoodi ahaa oo wafdi kasocday Imaaraatka Carabta ay booqasho ugu tageen deegaano kamid ah gobalka Sanaag.

Booqashadaas oo dhacday dhamaadkii sannadkii hore waqtigii ole-olaha doorashada waxay kula kulmeen Isimadda dhaqanka ee gobalada Sanaag & Haylaan oo ay la kulmeen, sidaas oo kale waxay xiligaas is arag gaar ah yeesheen Boqor Burhaan oo ah Boqorka beelaha Daarood.

Imaaraatka Carabtu waxay gacanta ku hayaan Puntland in ka badan 5000 kun oo askari, kuwaas oo toos ay u maamulaan, una siiyaan dhaqaalaha iyo saadka ciidamada, waxaana dhawaan booqday halkaas Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kooxda la socodka Xayiraadda Hubka ee saaran Soomaaliya, waxay horey ugu eedeeyeen dawladda Imaaraatka Carabta in ay jabisay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, isla markaasna ay hub ka dajisay meelo kala duwan oo ay ku jirto Puntland.

Madaxweynaha Puntland wuxuu hadda kuwajahan Imaaraatka Carabta, wuxuuna ku hormaray Itoobiya Iyo Kenya, sidda ay ogaatay Warsidaha Puntlandtimesna wuxuu kala hadli doonaa Imaaraatka howlaha la xariira labada dhinac waxyaabaha ka dhaxeeya.

LA SOCO XOGAHEENA DAMBE RIIX HALKAAN

2 Comments

  1. QARDHO HUBKA KA DEGAY WAXA ISKA LEH BOQORTOYOYADA QARDHOOD,WAXANA HADIYAD UGU KENAY BOQRTOYADA IMARADKA.

    Wakaladaha wararka kuwa af somaliga oo khasatan kuwo puntland mageceda shegta hase yeshe niyad xun,aya si xun wax uga qoray hubka lashegayo in uu qardho garoon yar oo halkas ah laga dajiyey shixnado kala duwan oo arimi cidan ah,hase yeshe ku jahwareray qabkay wax uga ogan lahayen,ayago waliba laga siqatay oo kuwa fonfurta oo waligod lagu yaqan war xumo tashilka iyo Aqoon darada si khaldan usii bahiyen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*