DF Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay kulankii M/weynaha S/land iyo wasiiradeeda.

MUQDISHO(P-TIMES) – Wasiirka Arrimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey wuxuu ahaa kulankii ay wada yeesheen Madaxweynaha Somaliland, wasiiradiisa iyo wasiiro kasocda Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya, kana dhacay dhulka barakeysan ee magaalada Meka.

Wasiirka Arrimaha dibada ayaa sheegay in uusan kulankaas waxba siyaasad ah, saameyn ku laheyn ama khuseynin, isagoo sheegay in ay waxyaabaha ay ka wada hadleen ay ahaayeen salaan iyo Ciidka oo kulmiyey.

‘’Annaga iyo madaxweynaha Somaliland iyo wafdigiisa waxaan wada-degeneyn hal qasri, waxaan isku aragnay oo aan ku kulannay Masjid, Annaga ayaa u tagnay oo Salaan ugu tagnay , runtiina waxaa uu madaxweyuhu noo soo dhaweeyay si qalbi furan oo Soomaalinimo ah, wixii xiligaa ka danbeeyayna meelo kale oo badan ayaan isku aragnay, kulanku wuxuu ahaa mid salaam oo kaliya ah, waxaan arkayay meelaha qaar dad Soomaaliyeed oo ka hadlayay kulanka oo waliba siyaasadeynaya, wax siyaasad ah oo aan ka wada hadalnay ma jirto, fasaxna uma heysan wafdiggeena dowladda Soomaaliya in aan siyaasad ka hadalno’’ayuu yiri Wasiir Cawad.

Wasiir Cawad meesha kama uusan saarin kulankii dhaxmaray labada dhinac uu noqon karo mid jawiga siyaasadda wax ka badali kara, madaama maalmihii ugu danbeeyay hawada leysku marinayay hadalo siyaasadeed oo aan wanaagsaneyn.

‘’Dabcan kulankan jawigii hore waxbuu ka badali karaa, Anniga shaqsiyan madaxweynaha isma eynaan aqoonin, laakiin markii aan la kulannay waxaan ogaanay in ay yihiin dad Soomaaliyeed oo wanaagsan oo wax cuqdad iyo shaki ah toona qabin, marka kulankan wuxuu bilow u noqon karaa in uu meesha ka saaro jawiggii hore ee kala shakiga ayuu yiri’’ Wasiir Cawad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*