Somaliland oo Digniin u dirtay Puntland, uguna baaqday ilaalinta Xabad joojin horey loo gaaray.

HARGEYSA(P-TIMES) – War qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka Somaliland, kuna qornaa Luuqada Englishka ayaa si adag uga hadlay dagaal hubeysan oo shalay dhexmaray Puntland iyo Somaliland, kaas oo ka dhacay deegaanka Hadaaftimo ee gobalka Sanaag.

Somaliland ayaa ugu baaqday Puntland in ay xaq dhawrto heshiis xabad joojin ah oo ay horey labada dhinac u gaareen, kaas oo aysan ogeyn Saxaafaddu, waxayna sheegtay Somaliland in ay heshiiskaas ixtiraamayso.

HALKAAN KA DAAWO WARARKII JUBBALAND

Qoraalka Somaliland waxaa lagu cambaareeyey weerarkii Puntland, waxaana lagu sheegay mid ka soo horjeeda Ammaanka mandiqada, sidaas oo kalena ka hor imaanaya heshiiska xabad joojinta ee horey loo gaaray.

Beesha Caalamka ayaa horey wada hadalsiin ugu sameysay dhinacyada Puntland iyo Somaliland, waxayna ku heshiiyeen in la durko wax kasta oo keeni kara isku dhac ciidan, sidaas oo kale Puntland dhankeda ayaa hadda sheegtay in ay diyaa ru tahay wada hadal.

Madaxweynayaasha labada maamul, waxay ku baaqen nabad iyo daganaansho, iyagoo sheegaya in ay u arkaan xalka xaaladda deegaanada ay isku hayaan mid ay ku dhameyn karaan wada hadal, si looga gudbo is qabqabsiga marar badan dhaca.

 

 

9 Comments

  1. SIDA AAY ILATAHAY SOMALILAND IYO PUNTLAND HESHISKODA FA’IDADISA.

    1998 markii puntland mamulkeda dhidibada lo’asay & maanta oo tarikhdu tahay 2019 puntland & somaliland Xurguf dhanka Xududa ah & iska horimad khasaro dhaliyey labada dhanba aya tagna wax laga dhefay oo aan dhib ahana majirto,marka wax aan dhamad & dheef lahan in waliged lagu jiro wax macno ah oo aay kenayso majirto,wa in laga gudbo waxas oo logudbo wax ka wanagsan oo ah nabad iyo horumar.

  2. ASC.
    KU:Muxammad Warsame.
    Si haddii loo fiiriyo waa saad u sheegtay oo dagaaladii sokeeye ee dhawr jeer dhexmaray puntlaan iyo soomaalilaan waxba lagama faa’iidin khasaaro ma ahee.Laakiin Muxammadoow miyaadan maqal maah-maahda ah HAL NINKII LAHAA DHACAYO YAA DHICIN KARA?War dhulka ay puntlaan raadinayso dadkii u dhashay qaar badan oo ka mida baa raali ka ah in ay soomaalilaan ku maasho oo ay ku jiraan gacanta reer ayaga la siman.Dad saas u fakaraya waxba looma qaban karo oo ayagaaba faylaha is goynaya.Puntlaan way dadaashay oo ay uga dhinteen wiilal badan oo wada qaali ahaa.Hase ahaatee hadda laga bilaabo puntlaan waa in ay ka fiirsataa dagaalada reer soomaalilaan.Raggii dhulkooda u dagaalami lahaa baa qaar hargeeysa ku qayilayaa.Qaarna ku jiraan dagaalada lagula dirirayo puntlaan.

  3. ASC.
    Magaalada hadaaftimo waxaa ku xabaalan odaygii ahaa Shiikh Cabdur-Raxmaan Ismaaciil Jabarti iyo Xaaskiisii Ayeeyo Dhahabo (Doonbiro) Direed.Saas darteed soomaalilaan way gardaran tahay oo waxay ku soo duushay dhul aysan u dhalan oo aysan deegaan ku lahayn.Hadaaftimo kuma xabaalna Isaaq iyo habrahooda midna.In uu Isaaq sheegtana waa qalad iyo aabi an geed loogu soo gaban.Dhulka Isaaq ma uu sheegto Daarood.Waayo dhulkooda ma aha.In uu Isaaqna sheegto dhul uusan lahayn waa daan-daansi dagaal sokeeye.

  4. Hargeyso and allshabaab are partner’s in crime. Muuse Daayeer and friend are criminal in hargeyso. They should be stopped.

  5. Somaliland administration has violated human right in hargeyso town and started new strategy to violate more human rights. Muuse monkey should be stopped now.

  6. Ragaan dad nabad raba ma aha, dhulbalaarsi aan soconey ayuu isaaq wadaa, Gabaygii wuxuu ahaa. Hadaan nabadda loo wada jabneyn …. ma anigow jiisa. hadaba xabaddu wey soconeysaa ilaa iidoo Gebiley ku noqdo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*