AKHRISO: Somaliland oo sharuudo ku xirtay la hadalka DF Soomaaliya, shaaciseyna in ay diyaar tahay.

HARGEYSA(P-TIMES) – Sidda lagu cadeeyey Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, waxay shaacisay Somaliland in ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho dawladda Faderaalka Soomaaliya, iyadoo waliba ku sii xirtay sharuudo ay horey marar badan u soo jeedisay.

Somaliland, waxay sheegtay in ay ogoshahay in wada hadaladaas ay yeeshaan waxyaabo cad-cad oo ah go`aamada masiiriga ah, sidaas oo kalena ay tahay in xubnaha matalaya dawladda Faderaalka aysan ku jiri karin cid kasoo jeeda Somaliland.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed goordhaweyd ay soo saareen golaha wasiirrada oo ay ku go’aamiyeen qodobadan;

“1) In Somaliland ay diyaar u tahay in ay sii socdaan wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya kana qabsoomaan goob dhexdhexaad ah yeeshaanna Ajendayaal cad-cad oo taabanaya arrimaha masiiriga ah, beesha caalamkuna dhexdhexaadiyaal (mediators) ka yihiin, sidoo kalena la helo damanaad-qaad (grantors) rasmi ah si aan dhinacna uga bixin wixii lagu heshiiyo.

2) In Soomaaliya ay qirto in Somaliland iyadoo dawlad madax-bannaan ah oo xoriyadeeda qaadatay 26-kii June 1960-kii ay la midawday Soomaaliya 1-dii Jully 1960 kii ayna kala ahaayeen laba dal oo kala gaar ah taariikh ahaan iyo maamul ahaanba, sidaa awgeedna wadahadalada laba dhinac ay noqdaan kuwo lagu-galo laba dawladood oo kala madax-bannaan.

3) In dhinaca Soomaaliya aanay wadahadalada u meteli karin shaqsiyaadka iyo siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilalka ka haya Soomaaliya ama ka soo horjeeda dawladnimada iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

4) In beesha caalamku ay Somaliland ula dhaqanto dal madax-bannaan oo aan qayb ka ahayn Soomaaliya, sidaa awgeed, waa in Safiirada iyo ergooyinka ka socda wadamada caalamka, madaxda ururada caalamiga ah iyo hay’adaha ka hawlgala gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ay dhawraan Qarannimada Somaliland kuna shaqeeyaan xeerarka iyo qawaaniinta Somaliland, waana in aanay ku xadgudbin xuduudaha dhuleed, cireed iyo baddeed ee Jamhuuriyadda Somaliland.

5) Dhammaan qoraalada (documents) mashaariicaha ay hay’aduhu ka fulinayaan Somaliland waa in ay u isticmaalaan magaca, khariirada, astaanta iyo calanka Somaliland leedahay ee gaarka u ah, waxa reeban inaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland laga fulin Karin mashaariic aan heshiiskooda lala gelin dalka Somaliland, sidoo kale cidna ma fulin karto mashaariic aan ogolaanshahooda laga haysan hay’adda dawladdeed ay khusayso”.

Hadalka Somaliland ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan dowladda Soomaaliya iyo Midowga Yurub ay kala saxiixdeen heshiis lagubhotumarinayo Waddooyinka Berbera iyo Muqdisho.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*