DAAWO: Bangiga Aduunka oo amaanay geedi socodka dhaqaale ee Soomaaliya.

MUQDISHO(P-TIMES) – Bangiga Aduunka ayaa ku amaanay dawladda Faderaalka Soomaaliya in ay wax badan ka qabatay hanaanka Maaliyadeed ee dalka, waxaana la xaqiijiyey in sannadkan kor u kac balaaran uu ka jiro hanaanka dhaqaalaha ee dalka kasoo kabanaya dagaalada mudada dheer.

Bangiga ayaa sheegay in kororka dhaqaalaha ama kobocu uu sannadkan gaaray 2.9%, taas oo 1% ka sareysa sannadkii hore ee laga soo gudbay, waxayna sheegeen in si wanaagsan ay wax ku socdaan.

Warbixin uu soo saaray maanta Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in heerka kororka dhaqaalaha dalka Soomaaliya saddexda illaa shanta sano ee soo socota uu ku tiirsanaan doono sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka.

Bangiga ayaa amaanay dadaalka canshuur aruurinta ee dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxayna sheegeen in ay dadka Soomaaliyeed dib uga soo kabanayaan dhibaatooyin dhaqaale oo mudo dheer ay ku jireen.

“Ururinta canshuuraha ee dowlada Soomaaliya ayaa sare u kacay 29% sanadkii la soo dhaafay iyadoo dhaqaalahana uu ka soo kabtay abaar ku dhufatay dalka labo sano kahor,dowladuna waxa ay bedeshay siyaasadeedii canshuuraha,”ayaa lagu sheegay warkan ka soo baxday Bangiga Adduunka.

Sida ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters Bangiga Adduunka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay abuurto dhaqaale loogu talo galay horumarinta waxbarashada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*