DAAWO: Dagaalka Siyaasadeed ee Galmudug oo jiho cusub u diga-roganaya.

DHUUSA(P-TIMES) – Is reeb-reeb adag ayaa ka bilowday Galmudug, iyadoo aan lasoo xulin xubnaha baarlamaanka ee maamulku yeelanaya, sidaas oo kale loolanka ragga u taagan Madaxweyne-nimada ayay hadda kusii biireen xubno siyaasadda saameyn ku leh, gaar ahaana taageero ka haysta dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Musharaxiinta ugu cad-cad ee ilaa hadda shaaciyey waxaa kamid ah Cabdiraxmaan Odowaa oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha gudaha ee Xukuumaddii Xassan Sheekh Maxamuud, sidaas oo kale hadda waa mudane baarlamaan, waana xubin firfircoon oo katirsan Xisbiga UPD ee uu hogaamiyo Xassan Sheekh Maxamuud.

Odowaa dabyar ma shidayo, waana xubin saameyn badan ku leh gudaha Galmudug iyo deegaanada uu ka soo jeedo ee Cadaado, waa hadal yaqaan, aan inta badan ka guurguurin fikirkiisa siyaasiga ah, waana xubin firfircoon oo saaxiib dhaw la ah Madaxweynihii hore Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, ilaa heer uu Madax ka noqday Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho, waxaana la rumeysan yahay in uu taageero ka heli karro dhinacyo kala duwan, balse wuxuu wajahayaa dagaal adag oo uga imaanaya xagga Xukuumadda Faderaalka oo adeegsan doonta lacago fara badan.

Saaxiibada Odowaa waxay wadaan dadaal xoog badan oo ay ku keenayaan Xildhibaano, sidaas oo kalena ay Ahlu Sun aula galayaan heshiisyo siyaasadeed, oo ay ka mid yihiin arrimaha ku wajahan haddii ay soo baxaan waxyaabaha ay siin doonaan.

Axmed Cabdi Kariye (Qoor-Qoor) waa xubin katirsan Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, waana wasiiru dowle awood badan oo aad ugu dhaw Raysalwasaare Xassan Cali Kheyre,mudo hore wuxuu ka shaqeynayay howlaha dekeda Muqdisho, dad badan ayaana ku eedeynaya waxqabad laheyn, hadda aragtidiisa uu la soo galay tartanka waa Waayo aragnimo, laakiin dadka yaqaana waxay ku dhaliilayaan in uusan laheyn heer sare oo aqooneed, waxaana uu shaaciyey in uu yahay Musharax Madaxweyne, balse wali isma casilin, taas oo ka dhigan in uu dhamaadka shaacin doon.

Qoor-qoor dad badan ayaa u arka musharaxa kaliya ee la tartami kara Cabdiraxmaan Odowaa, waxaana tartamo kala duwan oo loogu qabtay baraha bulshada Qoor-Qoor uu ahaa ninka laga badinayay mar kasta, inkastoo ay tahay saadaal hordhac ah oo aan saameyn ku yeelan karin doorashada Madaxweyne-nimada.

Nabad iyo Nolol oo loo yaqaano dawladda Faderaalka ayey dadku sheegayaan in uu Wasiiru dowle Axmed Cabdi Kariye noqon karro musharaxeeda ay uga qeybgalayso hardanka Galmudug, laakiin caqabado waa weyn ayaa haysta oo uga imaan karra dhinacyada qaarkood.

Dagaal culus oo siyaasadeed ayaa dhexmari doona Madaxtooyada Soomaaliya iyo Kooxdii ay xukunka kala wareegeen ee Qabyo, waxaana dad badan ay isku xirayaan doorashada Galmudug iyo doorashada Soomaaliya ee dhici doonta 2021-ka, iyadoo ay labada kooxod ee hadda ugu xooganba yihiin kuwa isku haya Galmudug.

Malaayiin Dollar ayaa loo adeegsan doonaa doorashadan, waxaana goor horeba muuqata lacago lasiinayo shaqsiyaadka raadinaya kuraasta baarlamaanka, waxaana meel sare gaaray hardanka loogu jiro ka mid noqoshada baarlamaanka cusub ee Galmudug oo lafilayo in la dhiso dhamaadka bishan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*