DAAWO: Imaaraatka Carabta oo dhabarka u jeedinaya Puntland & Somaliland.

MUQDISHO(P-TIMES) – Imaaraatka Carabta ayaa qorsheynaysa in ay heshiis siyaasadeysan la gasho Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya, si ay saameyn ugu yeelato arrimaha gudaha ee dalka, gaar ahaana doorashooyinka la qorsheynayo in ay dhacaan dhamaadka 2020-ka, waxayna taasi bedelkeeda meesha ka saaraysa xariirada ay la leedahay dawlad gobaleedyada qaarkood.

Xog laga helay mid kamid ah Safaaradaha magaalada Muqdisho ee dalalka Carabta ayaa cadeynaysa in ay Xukuumada Imaaraatku dadaal badan galinayso sidii ay u heli lahayd kalsoonida madaxda Federaalka, loona bilaabi lahaa adeegyadii ay bixin jirtay Safaaradda Imaaratka ee Muqdisho.

Ergo khaas ah oo ka socota labada dal, ayaa isku arkay mid kamid ah caasumadaha wadamada Barriga Afrika, waxayna ka wada hadleen sidii loo suuragalin lahaa booqashooyin heerkoodu sareeyo oo ay labada dal is dhaafsadaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayay doonaysaa Imaaraatku in ay martiqaad rasmi u diraan, ka horna waxaa la qorsheynayaa in Madaxda barriga Afrika, gaar ahaana Itoobiya iyo Eritrea midkood uu booqasho ku tago dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta oo ay arrimahan kaga wada hadlayaan.

“Imaaraatku waqtigan ma doonayaan in ay kusii jiraan difaac siyaasadeed, waxay hadda doonayaan in ay saameyn ku yeeshaan arrimaha Federaalka ka socda oo ay isku hayaan Qadar, waxay halis u arkaan dekeda magaalada Hobyo, si taas ay uga hortagaan waa in ay meesha ka saaraan heshiisyada maamul gobaleedyada ay kula jiraan” ayuu yiri mid kamid ah xubnaha sida dhaw ula socda arrimahan.

Dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee ay wado Xukuumadda Imaaraatka Carabta, waxay doonaysaa in ay hoos u dhigto dhammaan xariirada ay la leedahay dawlad gobaleedyada Somaliland iyo Puntland oo ay maamusho dekedahooda, sidaas oo kalena joogitaan ciidana ay ku leeyihiin.

Somaliland, waxay shaacisay in ay ka baxday heshiiskii Saldhiga Milateri, laakiin xog aan helnay ayaa cadeynaysa in ay 2 bilood kahor Imaaraatka Carabtu, cadeeyeen in aysan ciidamado keeni doonin Berbera, heshiiskii lacag bixinta ama kiradana ay ka baxayaan oo ay joojinayaan.

Puntland, waxay gacanta ku hayaan Dekeda Boosaaso iyo dabuulida baahiyaha ciidamada Badda Puntland, oo ay tan iyo dhismihii iyagu maamulaan, waxaana aan la aqoonin sidda ay ka yeeli doonaan, xili ay xogo kala duwan ka soo baxayaan.

Damaca Imaaraatka ee dhabar u jeedinta dawlad gobaleedyadaas oo ah mid aan wali soo shaac-bixin dad badan ayaa aaminsan in ay tahay arrin halis ku ah daganaanshaha oo dhan, waxayna Imaaraatku aad u doonayaan in uu hirgalo damacooda ku wajahan doorashooyinka Federaalka ee Soomaaliya.

3 Comments

  1. Cajiib waaye Weriyayaasha Soomaalida kamay shaqayn kareen idaacadaha caalimiga ah. waa lawada cayrinlahaa ta Somalilandna waa ba jirantahay nooh waxba ma xaqiijiyaan.

    Imaaraatku Somaliland waa sii balaariyey ee saldhigi waa sidiisii. Hadalkii Muuse aa khalad u fasileen sidii caadada u ahayd weriyayaasha. Ma oran waxbaa ka noqonay ee waxa uu yiri Airport-ka aa dadku isticmaalaan oo baayac mushtar loo isticmaalaa. Isagu war fiica uu u sheegaayey Somaliland oo dhahayey dhaqaalo badan aa soo socda ee ma aheen meesha geedka loola kacay kkkk

  2. Hadii Dowlad isku kalsoon ee awood lehi ay jiri laheyd, labadoodaba wey eryi lahayd, midina dan uma wado wadankaan , waxa ay raadinayaan in ay awood ku yeeshaan, Curyaamiyaan dekedaha soamaliya. waa in taas.

  3. Makii aan wax qoraba, adigu qoei iga daba tuur, iyo Your Comment so and so. war waxaani waa ra,yi , mase waxaad i leedahay waxba ha qorin. dadkuba wuu hadlayaaye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*