DAAWO: Imaaraatka Carabta oo Hanjabaad uga timi Boosaaso & Odayaasha oo afka furtay.

BOOSAASO(P-TIMES) – Qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka ee gobalka Barri ayaa shir gaar ah oo ay kuqabsadeen magaalada Boosaaso, waxayna ku dhawaaqeen in ay gabi ahaanba kasoo horjeedaan heshiisyada dhexmaray Puntland iyo Imaaraatka Carabta oo ku wajahnaa qeybo muhiim in ay Imaaraatku la wareegaan.

Odayaasha Beesha Dashiishe oo shirk u qabtay Boosaaso, waxay sheegeen in ficiladii ay qaaday Xukuumaddu ay yihiin kuwa gabi ahaanba garab-marsan dawladnimada Soomaaliya.

Odayaashan ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in xarumaha Korontada, Macdan, Biyaha, garoonka Diyaaradaha iyo Dekedaba ay maamulaan Imaaraatka Carabta, waxayna sheegeen in ay talaabadaas tahay mid ay ka soo horjeedaan.

Mid kamid ah Odayasha dhaqanka oo ku hadlayay Afka carabiga ayaa uga digay Imaaraatka Carabta jooitaankooda gobalka Barri, waxayna sheegeen in ay kasoo horjeedaan oo ay aad uga fiirsadaan ficiladooda.

HALKAAN KA DAAWO SHIRKA WAXGARADKA

Odayaashan, waxay kaloo sheegeen in heshiisyada oo mugdi badan hareeyey ay tahay in aan la aqbali karin,waxaana warsaxaafadeed ay soo saareen ay sheegeen in Xukuumaddu ay ku dhacday wax aysan ka fileynin.

DAAWO: Madaxweyne Farmaajo muxuu ka yiri Ammaanka, Doorashooyinka & Xariirka D/Gobaleedyada la leeyahay?

Puntland iyo Imaaraatka ayaa Arbacadii todobaadkan kala saxiixday heshiisyo Maalgashi,sidda uu sheegay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, balse ma jirto faahfaahin dheeraad ah oo laga bixiyey.

4 Comments

  1. Daaya makii ka horeeyey buu ka liitaa,haddii kii hore Dekeddii iyo Baddii Xaraashtay,kana Airportkii,Macdantii Biyihii iyo Korontadii,,kii Dadka Xaraashi lahaa baa suga .

  2. Imaraat ku asaguba ma ogola airport ka dubai inu naga kireyo tobanan sano iyo dekedaha dalkoda. Waxan dhihi kara wa dagaal dhaqaale oo somalia lagusoo qaaday.

  3. Dadkan hadlaya waa xoolo aan waxba kala ogayn. Dekada Airport maxaa ka galay Bosaso dadkii asal ulaha ayaa dalka maamulaya cidii ay rabaana way keenin qof ka hadli karaana ma jiro. Puntland ka hor Airport iyo dekada Bosaso ayaa hayay oo maamulayay? Dadkii maamulijiray oo lahaa ayaa iminkana maamulaya. Bosaso uma afduubnaanayso odayaal argagixisada la qaraabta iyo dad cuqdadaysan oo caloosha kawada jirin.

    • You’re an idiot for disrespecting the elders of other peoples clans moreover; the dishishe clan are well known for their ethnic roots in the bari region.

      Traitors and the givers of somali riches will not be tolerated. There will be bloodshed otherwise.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*