DAAWO: M/weynaha Jubbaland oo si adag uga hadlay arrimo badan oo la sugayey.

KISMAAYO(P-TIMES) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Max’ed Islaam oo dhawaan dib loogu doortay Kismaayo 22 August ayaa maanta qabtay shirkii Jaraa’id ee ugu horeysay, waxaana uu diirada ku saaray arrimo kala duwan oo ku wajahan xaaladdaha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaana Is heynta ay is hayaan dawladda Faderaalka.

Madaxweynaha Jubbaland, wuxuu soo qaaday arrimaha Jubbaland iyo Federaalka u dhaxaysa waqtigan, doorashooyinka 2020-ka, Xariga wasiirkiisii Amniga ee Muqdisho, Xariirka Federaalka iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidaas oo kale Axmed Madoobe ayaa aad u naqdiyey dadka kasoo horjeeda oo uu sheegay in ay meelo fog fog ku maqnaayeen markii ay xoreynayeen Jubbaland.

Dagaalka Shabaab lagula jiro ayuu sheegay in fashil badan ay kaga soo wajahantahay dawladda Faderaalka, isla markaasna ay hadda xaaladdu meel halis ah marayso.

Xukuumada Faderaalka ayaa ku eedeeyey in ay ku fashilntay wax kasta oo loo doortay, wuxuu sheegay in dalkii oo dhan dib u laabtay, halis badana ay kasoo wajahan tahay haddii aan deg deg wax looga qaban waqtigan.

1 Comment

  1. ASC.
    KU:Dab La Riday.
    1.Waxaad caadaysatay in aad si kas iyo maag ah ad ii caydid.Aniguse dadka ma caayo oo ma jecli in aan dulmiyo.Laakiin adiga wax kasta oo xun waa kula caadi.In aad saas tahay waxaa ka markhati ah in aad wada caydid beelo badan oo soomaaliyeed.Adigoo yiraahda waa dad wada xun oo isku wada rayi iyo fakar ah.Taasina run ma aha oo labo mitaano ah baa kala rayi duwanaan kara.War meeqaa shiikh iyo caalim ku jira Isaaq?Boqolaal kun oo niyad wanaagsan baa ku jira reerka ad aflagaadaysid.Haddiise ay yiraahdaan anagu saan baan rabnaa oo saas ma rabno ma cay iyo xumaan bay kaa muda yahiin?

    2.Qoraal ad shalay soo qortay waxaad igu sheegtay XAYAWAAN.Marka hore xayawaan waa duunyada.Duunyada iyo Ibna Aaadamkuna waxyaalo badan bay ku kala duwan yahiin.99.9% meelna iskama shabahaan.War ma neef xoolo ah baa qori kara qoraalkaas an hadda qorayo.
    Marar badan baad ku soo cel-celisay Hooyadaa baa Hawiye ah.Hooyaday Hawiye ma aha.Haddiise ay noqon lahayd muran kama keeneen.Waayo Hawiye waa soomaali waana dad muslimiin ah.Adigase hooyadaa waa SINGH ama Ugaas labe kugumana caayo.Hase ahaatee reer Abtigaa ma aha soomaali oo asalkoodii waa SINGH,hindi.Laakiin waa dad muslimiin ah.Badaw yahoow soo baro sida saxdaa ee dadka loola rayi qeybsado.Dadka rayigooda ka soo rayi dhiibo oo jinsiyadahooda wax ha ka sheegin.Haddii la is caayayo waxaad leedahay iimo aad u badan oo waxaa lagugu sheegi karaa ceebo wada muuqda oo ad leedahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*