DAAWO: Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay 15 cisho ka dib Garoowe, muxuu sheegay?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo oo labo todobaad safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa, gaar ahaan wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha waxaa soo dhoweeyey, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka, Ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Abuukaate Cabdcasiis Cabdullaahi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Ismaaciil Maxamed Warsame, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Saraakiil Ciidan, Maamulka Gobolka iyo Kan degmada Garoowe iyo qeybo ka mid ah bulshada.

Af-hayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani oo ka warbixiyey safarka Madaxweynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha iyo wafdiga la socday ay maalmihii u dambeeyay safar ku joogeen wadamada Itoobiya iyo Imaaraadka, isla markaana ay booqashadu ugu soo dhammaatay guul.

2 Comments

  1. ASc.
    Safaro badan oo an miro dhalin oo wakhtiyo dheer qaata oo loo aado Itoobiya iyo Dubay waxaan ku nacay GAAS.Haddii uu Dani raaco raadkii Gaas waxbaa ka qaldami doona reer puntlaan.Intaas oo jeer buu Gaas safaro shaqo qaran u aaday Dubay iyo Itooniya wax uu soo kordhiyeyna wali ma araga mana maqal.Ugu dambayn war yaa u sheega Dani haddii uusan dibadaha wax nooga keenayn in uusan wadanka ka bixin oo uu ku mashquulo in aynuu iska wada difaacno DHAGARTA KHATARTAA EE AY XAMAR LA DAMACSAN TAHAY REER PUNTLAAN.Waakaas Ina Khayre ku jira ciidamo uruursiga.Ciidamaasna waxuu ugu duuli doonaa cidkasta oo uusan jeclayn.Cida uusan jeclayn Ina Khayre waa reer puntlaan.War soomaali waxay kala guurtay 28 sano ka hor.Walina soomaali ma ay heshiin.In la heshiiyana falankeed lama hayo.Beelaha USC-na heshiis dhexmara soomaaliweeyn diyaar uma aha.Waayo waxay xoog ku haystaan wixii ay soomaaliweeyn lahayd maal iyo moodba.Ina Khayre haddii uu soomaali oo dhan dacad u yahay waxuu Hawiye ku oran lahaa dadka xoolahooda haddeer ha loo wada celiyo.Saas waxaa yiri Yariisoow waana kuwii dilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*