DAAWO: Soomaaliya & Masar oo heshiis kala saxiixday.

QAAHIRA(P-TIMES) – Xukuumaddaha Soomaaliya & Masar ayaa kala saxiixday heshiis Iskaashi oo u dhaxeeya labada dhinac, waxaana sidaas oo kale heshiiska saxiixay wasaaraddaha labada dal ee arrimaha Maalgashiga iyo Ganacsiga, iyadoo uu goobjoog ahaa wasiirka Arrimaha dibada ee Soomaaliya.

Heshiiska Iskaashiga ee dhexmaray Soomaaliya & Masar ayaa qorshaha ugu waa weyn ee laga leeyahay tahay sidii ay labada dal ganacsigoodu iskugu xirmi lahaa, gaar ahaana marka laga hadlayo dhinacyada Xoolaha nool iyo ka ganacsigooda.

Wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareejiyey shir gudoonka golaha Wasiiradda ee Carabta oo ay Soomaaliya haysay lixdii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana hadda la wareegay dalka Ciraaq.


Masar ayaa ka taageeraysa dawladda Soomaaliya arrimaha  ay ka mid yihiin Waxbarashada, Ganacsiga & taageerada xagga dibu dhiska ciidamada Soomaaliya, waxaana ay horey Masaaridu safaarad uga furteen magaalada Muqdisho.

Arday badan oo Soomaaliyeed ayaa ku nool dalka Masar, kuwaas oo deeq waxbarasho oo lacag la`aan ah ka hela dalkaasi Masar, iyadoo lasoo mariyo Daladdaha iyo wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*