DAAWO: Waa maxay Qodobada ka soo baxay Shirka Maalgashiga ee Puntland?

GAROOWE(P-TIMES) – Puntland ayaa qabatay kulanka Maalgashiga oo ay ka qeybgaleen Madaxda Puntland iyo xubno kala duwan oo ay ku jiraan Ganacsato Ajnabi ah oo ka yimi daafaha caalamka.

Kulanka, waxaa laga soo saaray warsaxaafadeed ay ka muuqdaan waxyaabaha horumarka laga gaaray maalmihi uu socday oo ay ku jiraan qodobo la xariira xagga Maalgashiga.

Puntland, waxay shaacisay in aduun gaaraya 436Malyan oo Dollar lagu maalgalinayo deegaanadeeda, kaas oo ay bixinayaan Ganacsato kala duwan, waxaana muuqata in ay dhinacyo badan saameyn ku yeelan doonta.

Warsaxaafadeed ayaa waxaa kamuuqda qodobo ku saleysan arrimaha Maalgashiga, waxaana xoogiisa ka muuqda in ay doonayso Puntland in wax laga qabto xagga Kalluumeysiga.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*