DAAWO: Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo fariin adag u diray Axmed Madoobe.

KISMAAYO(P-TIMES) – Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo sheegay in 22kii bisha August loo doortay Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah uga jawaabay hanjabaad dhawaan ka timi Axmed Madoobe oo isna dib loo doortay isla 22kii August ee sannadkan.

Mr, Xidig wuxuu cadeeyey in aysan u hakin doonin haba yaraatee Hanjabaad iyo dil kasta oo uga yimaada dhinaca Madaxtooyada Jubbaland, isagoo sheegay in ay hayaan magacyada iyo sawiradda dad uu sheegay in ay geysteen dilalkii u dambeeyey eek a dhacay magaalada Kismaayo.

Sidaas oo kale wuxuu tilmaamay in ay Isbedel-doonka uu madaxda u yahay ay doonayaan in Jubbaland ay si nabad ah ugagudubto marxaladaha ay ku jirto, isagoo ku eedeeyey Axmed Madoobe in uu sifo sharci darro ah iskugu dhajinayo kursiga oo ay tahay in uu sharciga raaco.

Xildhibaan Xidig ayaa sheegay in cid kasta oo cabsi hayso aysan gaari karin Jubbaland, wuxuuna xusay in ay dadaal badan galinayaan sidii Jubbaland mideysan ay u dhisi lahaayeen, taas oo taabagal ka dhigaysa qorshaha nabadgalyada.

Shacabka ayuu sheegay in ay taageersan yihiin dhankooda oo ay mar kasta ku jiraan marxalad cabsi, ka dib hanjabaado uu sheegay in ay ka imaanayaan dhinaca kasoo horjeeda ee hadda talada gacanta ku haya.

Jubbaland ayaa kujirta daganaansho la`aan siyaasaded, dad badan ayaana walaac ka muujinaya habka ay hadda wax ku socdaan, iyadoo uu dhawaan Madaxweynaha xilka haya sheegay in aysan u dulqaadan doonin ficilada, Madaxweynayaasha, Dawladdo iyo shaqsiyaad uu sheegay in ay xilal sheeganayaan oo ula jeeday mucaaradka ka soo horjeeda.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*