Somalia oo diiday dib u dhigida Dacwadda Badda & Kenya oo Hakin dalbatay.

NAIROBI(P-TIMES) – Dawladda Kenya ayaa u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ dalab ku wajahan in dib loo dhigo dacwadda Badda ee kala dhaxaysa Soomaaliya dhageysigeeda oo bilaabanaysa maalinta 9ka bishan ah.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa qoray in dowladda Kenya ay si rasmi ah u dalbatay in la hakiyo dhageysiga kiiska dacwadda badda ee kala dhaxeya Soomaaliya, kaasi oo la qorsheeyey in la dhageysto Isniinta soo sococta.

Kenya ayaa codsigeeda qiil uga dhigtay inay dooneyso in la siiyo waqti ay ku qoroto qareeno cusub.

Dawladda Soomaaliya ayaa si cad u diiday dalabka Kenya, waxayna si cad u sheegtay in aysan marnaba ogoleyn dib u dhigid lagu sameeyo dhageysiga dacwadda oo ay u diyaar garoobeen.

Wafdigii ugu horeeyey oo kasocda Soomaaliya ayaa gaaray xarunta Maxkamadda kutaala ee magaalada The Hague, waxayna la kulmi doonaan jaaliyadda Soomaalida.

Dagaalka diblmumaasiyada ee ay bilowday Kenya ayaa ah mid halis badan uga imaan karto, waxaana Maxkamaddu ay si rasmi ah u mudeysay waqtiga ay qaadayso dacwaddan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*