DF Soomaaliya oo loogu baaqay in ay wada hadal lagasho Al- Shabaab.

MUQDISHO(P-TIMES) – Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay in ay wada hadal lagasho kooxda Al- Shabaab oo ka soo horjeeda, waxaana kooxdu ay hadda inta badan canshuuro ka qaadaan xarumaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Ra`iisulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sheegay in ay ula muuqato isaga in wada hadal lagu dayo kooxdan Al- Shabaab, isagoo sheegay in ficiladooda aysan marnaba aheyn kuwa kala joogsanaya, ayna tahay bal markan in la eego xagga nabadda ama wada hadal lala furo.

“Aniga waxaan qabaa in wada hadal toos lala falo, runtii Al-Shabaab waa dad Soomaaliyeed waa la kari waayay, waxaa fiican in laga guuleysto nabadna wada hadal ku timaato, arrintaas lafteeda lama dhayalsan karo”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sugida amniga dalka ay u baahan tahay in la helo dad aqoonyahano ah oo khibrad u leh

“Haddii xal milateri adkaado, waxay u baahan yahay in la helo xal siyaasadeed”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdi Faarax Shirdoon.

Raysalwasaarihii hore wuxuu sheegay in ammaanka dalka uu halis badan wajahayo waqtigan, ayna tahay in dadaa lkasta lagaliyo sidii looga miro dhalin lahaa, wuxuuna sheegay in waxa hadda socdaa ay halis badan ka keenayaan mustaqbalka dalku xagga uu ku wajahan yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*