DHAGEYSO FAAHFAAHIN: Soomaaliya oo ka diiday Midowga Afrika markale in ay wada hadal kagasho Dacwadda Badda

MUQDISHO(P-TIMES) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay kulankii maqribnimadii galabtay ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaas oo ay Kenya gadaal ka riixeysay qorshihiisuna ahaa in dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya lagu soo celiyo Midowga Afrika oo halkaas xal looga gaaro.

Ergada Soomaalida ayaa ka hadlay muhiimadda ay Dacwaddan u hortaalo maxkamadda Cadaaladda ee Aduunka, waxayna si cad u sheegeen in aan laga soo celin doonin oo ay Soomaaliya halkaas kalsooni ku qabto.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr oo kullanka khudbad ka jeediyay ayaa golaha u sheegay in dacwadda Kenya iyo Soomaaliya ay muddo shan sanno ah hortaal Maxkamadda xilligaan in golaha la horkeenana ay tahay wax lagu mushquulinaayo doodda maxkamada.

Kenya waxay ka codsatay Midowga Afrika, gaar ahaana Golaha Ammaanka in dacwaddan lagu qasbo Soomaaliya in ay ku gasho gudaha Afrika, laakiin taasi waxaa si adag u diiday Soomaaliya, taas oo wali aysan Kenya ka quusan arrimahaas.

Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqday in aysan marnaba ka laaban doonin maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ, ayna doonayaan oo kaliya in halkaas ay noqoto madasha lagu kala baxayo, ayna Soomaalidu ku qanacsan tahay in Maxkamadaas ay ku qaadato go`aan  kasta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*