Dhageyso:-Puntland oo shuruud ku xirtay wadashaqeynta DFS

Iyada oo weli uu jiro khilaafka dowladda federaalka iyo Maamulka  Puntland ayaa waxaa Puntland ay shuruud ku xirtay wada-Shaqeyn uu la yeesho Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in dowladda Federaalka looga baabahan yahay inay wanaajiso xiriirka Maamul goboleedyada gaar ahaan Maamulka Puntland.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in wada-Shaqeyn dhexmarta Puntland iyo Dowladda Federaalka ay ka horeyso in dowladda ay aqbasho nidaamka federaalka uu dalka qaatay,isla markaana ay muujiso biseyl siyaasadeed.

Hadalkan ayaa Madaxweyne kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxaa uu ka sheegay munaasabad Xarigga looga Jarayay Xafiiska Arrimaha Qunsuliyadaha Ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS ka furatay Magalada Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*