Dhaqdhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya Puntland & Somaliland oo ka socda G Sanaag?

BADHAN(P-TIMES) – Wararka Laga Helayo Gobolka Sanaag Ayaa Sheegaya In Laga Dareemayo Dhaq Dhaqaaq Ciidan oo Xoogan Puntland Iyo Soomaliland,Soomaliland Ayaa Ciidamo badan gobolka gaysey Kadib markii inta Badan Puntland Siyaasad Kula wareegtey Lagana tageeray.

Ciidamada Soomaliland ee saraakiisha Maamulkaasi Hogaaminayaan Ayaa Gaadhey Duleedka Badhan Sida Wararka Sheegayaan,Dhanka Puntland Ayaa Dhaq Dhaqaaq Xoogan Iyagana Bilaabay.

Gobolka Sanaag Ayaa U Muuqada Inuu U Wareegey Dhanka Puntland Tan Iyo hadalkii Sarkaalka Ciidamada Soomaliland Ugu Gafey Dadkaasi.

Warar ka madax banaan dhinacyada ayaa sheegaya in ay dhici karaan dagaalo dhexmara, balse Odayaasha dhaqanka ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii loo baajin lahaa dhacdo kasta oo arrimahan la xariira, iyadoo ay jiraan macluumaadyo soo baxaya.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*