Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday iney ka laabatay Heshiisyo ay la gashay shan shirkadood.

Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Xukuumada Soomaaliya, ayaa shaacisay iney Shan Shirkadood kala laabatay Qandaraasyo ay horay ula gashay sida lagu xusay qoraal ka soo baxay Wasaaradda.

Warqad uu ku saxiixan yahay Wasiir Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar oo la ogeysiiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Wasiirka Maaliyada ayaa lagu qaaday talaabadan, iyadoo lagu soo bandhigay magacyada Shanta shirkadood ee qandaraasyada lagala noqday.

Qoraalka Wasaarada oo ku taariikheysan maanta, ayaa lagu sheegay in Heshiisyadii Tijaabada Badqabka Gaadiidka ee shirkadahan ka laabatay.

Halkan hoose ka aqriso Warqada ka soo baxday Wasaarada Gaadiidka:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*