FAAHFAAHIN: Madaafiic kusoo dhacday Madaxtooyada Soomaaliya iyo Agagaarkeeda oo waxyeelo geysatay.

MUQDISHO(P-TIMES) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya madaafiic ama garneylo lagu soo riday Aqalka Madaxtooyada ee Soomaaliya, oo ku dhacay xaafadaha ku dhaw iyo gudaha Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah Madaafiicdan uu ku dhacay afaafka hore ee Safaaradda Itoobya ay ku leedahay Muqdisho oo ku dhextaala Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la xaqiijiyey in aan cidna waxba ku noqon.

Labo madfac oo kale ayaa ku dhacay labo xaafadood oo kamid ah degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho oo ay ku taalo Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ilaa hadda la xaqiijiyey dhaawacyo ka dhashay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in 4 qof oo rayid ah kudhaawacmeen madfac ku dhacay, xaafadda loo yaqaano Cagadhiig, waxaana aan jirin faahfaahin dheeraad ah oo dadkaas laga hayo waxay yihiin.

Dawladda Faderaalka kama hadlin weeraradan oo aysan aheyn markii koowaad ee ay dhacaan, waxaana horey sidan oo kale amrar badan u dhacday in madaafiic lagu soo tuuro madaxtooyada Soomaaliya, taas oo aan la aqoon halka laga soo rido.

2 Comments

  1. ASC.
    War Shabaab ayagaa xukuma xamar.Nimanka ku xeraysan villa xamar meesha waxba kuma hayaan oo waxay sugtaan Mushaaradooda.Ina Khayrena waxuu ku hawlan yahay suu isugu dubo ridi lahaa beelaha USC.Ina farmaajona ma aqaan suu yahay xaalkiisu.Shabaab baa ku awood roon koonfurta soomaaliya.Madax ku sheegii soo maray xamar bur-burkii kabacdi Cabdullaahi yuusuf ma ahee inta kale shabaab kuma ay dhiiran jirin.Sababtoo ah haddii aysan xiriir la lahayn shabaab may la diriraan.May ku kiciyaan 20,000-ka kun ee ah ciidamada Amisom iyo kuwa soomaalidaa.War meesha waxaa loo joogaa mushaaro iyo ku sugid dhac-dhac.Shabaab mudo gaaban baa xamar looga sifayn karaa ee waan la rabin la lal diriro.Shabaab waa dad ka mida dadka dagan magaalada xamar oo ma aha dad meelo kale uga yimid.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*