Fadeexo Musuq-maasuq Oo Ka Taagan Xafiiska Gobolka Banadir Xilli Hal Milyan Oo Doolar Lagu Bixiyay Muddo Kooban

Ilo wareedyo ku dhaw in hanti dhowrka guud ee dowlada Somaliya ay baaritaano ku haya xafiiska maamulka gobolka Banadir ka dib markii ay soo baxeen in muddo kooban lagu isticmaalay lacag gaareysa hal milyan oo doolar .

Waxaa la soo xiganayaa in lacagataas la adeegsaday waxii ka dambeeyay 24-kii July waqtigaas oo qarax sababay geeridii gudoomiyihii gobolka Banadir uu dhacay .

Warka waxa uu intaas ku darayaa in gudoomiyaha cusub gobolka Banadir Cumar Finish uu dalbaday in baaritaano lagu sameeyo waxii loo istcimaalay lacagataas ee ka baxday qansadda gobolka .

Ilo wareedyo diiday in la shaaciyo ayaa sheegaya in lacagataas lagu sheegay in loo adeegsaday maamuskii iyo tacsidii gudoomiyihii hore ee Yariisoow

Fadeexo ayaa ka taagan gudaha maamulka Banadir maadaama qaansheegtooyinka arimihii tacssida lagu qoray lacag aan macquul aheyn taasi oo keentay shaki weyn

Haatan , waxaa socda baaritaano uu wado xafiiska Hanti dhowrka guud iyadoo dib loo eegayo dukumiintyo xafiska xilli su`aalo la waydiiyay Guddoomiye kuxigeenkii Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Dheere.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*