Kenya oo dalbatay in Dacwadda Badda looga reebo Garsoore Cabdiqawi, Sababtoo ah.

NAIROBO(P-TIMES) – Dawladda Kenya ayaa gudbisay codsi ku wajahan in dhageysida dacwadda badda ee udhaxeysa Soomaaliya & Kenya laga saaro, gudoomiyaha maxkamaddaaas CabdiQawi Axmed Yuusuf oo u dhashay Soomaaliya, kaas oo ah gudoomiyaha maxkamadda go`aanka u dambeeya ka gaaraysa dacwada labada dhinac ee Kenya iyo Soomaaliya.

Kenya ayaa sheegtay in aay Cabdiqawi lagu kalsoonan karin, maadaama dacwadda ay hadda qaadayso maxkamaddu u dhaxayso dalalka Soomaaliya oo uu ka soo jeedo iyo Kenya, waxayna durtay in uu kiiskan lug ku yeesho, maadaama uu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo aan gabi ahaanba dhexdhexaad ka noqon karin howlaha la xariira Qaranimada dalkiisa.

David Matsanga oo ah guddoomiyaha hay’ad la magac baxday PAF, islamarkaana sheegata inay u doodo arrimaha Geeska iyo Bariga Afrika ayaa tilmaamay in Kenya ay dooneyso in dhageysiga kiiska Badda laga reebo garsoore Cabdi Qawi.

Kooxdan u dhalatay dalka Kenya ayaa sheegay in uu marar badan Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf meelo badan ka sheegay wararka ah in uu jeclaanayo in kiiska badda ee labada dal u dhaxeeya ay guushu raacdo Soomaaliya, taas oo ay sheegeen in uusan dhexdhexaad noqon karin.

Ugu dambeyn David Matsanga ayaa ugu baaqay dowladda Kenya in aysan ka qeyb gelin dhegeysiga kiiskan, islamarkaana ay banaanka ka joogto.

9-ka illaa 13-ka bishan September ayaa lagu wadaa in ICJ ay dib u bilowdo dhageysiga dacwadda Badda, waxaana dooda ku horreyn doonto Soomaaliya.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*